X

Somaliland Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Cusub Oo Weli Laga Sugayo Diyaarinta Qorshaha Boqolka Maalmood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) 30 Dec 2024 Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaan weli ku guulaysan innay soo gudbiyeen qorshayaa hal-xidhaalaha ee lagaga sugayay innay soo diyaaryaan qorshaha Wasaaraddaha ay masuulka ka yihiin.

Gollaha Wasiirrada ee Xukuumadda oo yeeshsy Fadhigoodii 5aad gelinkii danbe  ee Khamiistii 9 In January 2025. Ayaa marvkale lagu soo qaaday in Gollaha wasiirrada ee xukuumadda WADA-JIR IYO WAX-QABAD ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) aannay weli diyaarin qorshaha ay ka duulayso ee Boqolka maalmood ee u horeeya, kaas oo wasaarad kasta gaarkeeda looga sugayay, iyadoo la waafajinayo balanqaadkii Xiisbiga WADDANI.

SIda lagu sheegay war-saxaafadeed koobban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda kaddib kulankii uu Guddoominayay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo uu weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,  Maxamed Cali Aw Cabdi.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka qodobada muhiimka ah ee lagaga hadlay waxa ka mid ahaa, Xaaladda guud ee Amniga Dalka, ta dhaqaallaha, waxbarashadda iyo dhaq-dhaqaaqii ugu danbeeyey ee dhoofka Xoollaha iyadoo ay warbiximo golluhu ay ka jeediyeen wasiirrada wasaaradahaasi.

Waxa kale oo fadhiga gollaha lagaga wada hadlay hay’addaha awooda u leh bixinta liisamada ganacsiga, waxaana oo uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska larrintaa Golaha ka siiyey faah-faahin dheeraad ah.

Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku Golaha siiyay Xogwaran la xidhiidha bilowga diwaangelinta Gaadiidka Dawladda iyo Bixinta Buugga Gaadiidka Dawladda.

Dhinaca kale. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa dhankeeda faah-faahin dheerada ka bixisay xilka iyo waajibaadka ay Wasaaraddu u hayso Qaranka iyo sidii la isu waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbi Xaakimka Waddani.

Gollaha waiiradda ayaa markaa kaddib waxa loo qaybiyay Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirrada (Akhriska 1aad) waxaana warbixin lagu faah-faahinayo xubnah gollaha ka siiyay Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Gebagebadii Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda ayaa Golaha Wasiirrada ka codsaday inay soo gudbiyaan habsami u socodka qorshaha waxqabadka 100-ka Maalmood ee ugu horeeya Xukuumadda “WADA-JIR IYO WAXQABAD.”, iyadoo fadhigii todobaadkii hore Gollaha Wasiirrada Xukuunadda lagaga casaday Barnaamijka wax-qabadka Boqolka maalmood

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post