X

Somaliland: Gollaha Wasiiradda Oo Ka Dooday Saamaynta Doorashooyinka Ee Shaqaalaha Dawladda Iyo Ciidamadda

Araweelo News Network.

#Somaliland:  Gollaha Wasiiradda Oo  Ka Dooday Saamaynta Doorashooyinka Ee Shaqaalaha Dawladda  Iyo Ciidamadda

Hargeysa(ANN)-golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fadhigii maanta kaga hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ee aan weli la cayimin.

Shirkaa oo uu  gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isla markaana uu ku  weheliyay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (saylici), waxay xubnaha gollaha wasiiraddu dood ka yeesheen arrimaha doorashada.

 

 

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulanka shirka golaha wasiiradda kadib oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland,  waxaana qoraalkaa oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network lagu yidhi sidan:-

Fadhigii 69aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo warbiximo lagaga dhegeystay qaar ka mida wasaaraddaha, lagagana dooday arrimaha diyaar garawga doorashooyinka.

Ugu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda waxbarashada dalka, isagoo xusay in wasaaraddu ku hawlan tahay kor u qaadida waxbarashada dalka iyadoo fulinaysa siyaasada xukuumadda ee ah in waxbarashada tayadeeda iyo gaadhsiinta goob walba la hirgeliyo.

Wuxuu golluhu dood ka yeeshay diyaar garowga doorashooyinka dalka kusoo fool leh, madaama ay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinku, waxaana goluhu go’aamiyey innaan la ogolayn in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyagoo ku gudda jira shaqadii qaranka inay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo ee hankooda tartanka doorashooyinka, balse cidii danaynaysa inay ka qayb-galaan doorashooyinka waa inay banneeyaan shaqooyinka ay qaranka ka hayaan.

Ugu danbayn wuxuu madaxweynuhu golaha ku adkeeyey inay dardar-geliyaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda sannadka cusub.” Ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post