X

Somaliland: Gollaha Wasiirada Oo Meel Mariyay Miisaaniyada 2021

Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland 5 December 2020, qasriga Madaxtooyadda Somaliland Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

#Hargeysa(ANN)-Gollaha Wasiirada Jamhuuriyadda #Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen maanta ku meel mariyay Odoroska miisaaniyad sannadeedka 2021.

sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraalka ayaa u dhignaa sidan:-

“Fadhi golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey dood iyo falan-qayn dheer ka dib ku ansixiyeen miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:

 

 

Ø  Dawladda dhexe

Ø  Dawladaha hoose

Ø  Hay’addaha madaxa-bannaan

Ø  SDF

Ø  World Bank

Ø  JPLG.

 

 

Cadadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7%,  halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%,  waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021, arrimaha ay ka mid yihiin.

 

 

1.     Amniga

2.     Caddaaladda

3.     Caafimaadka

4.     Waxbarashada

5.     Wax-soo saarka

6.     Deegaanka

7.     Tamarta

8.     Maamul wanaaga

9.     Doorashooyinka

10.  Ictiraafka

 

 

Miisaaniyad sannadeedka 2021-ku waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee qaranka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo habka maamulka maaliyada ee PFM, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeesho dalka Jamhuuriyadda, Somaliland, waxana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

—END——

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post