X

Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Diiday Saddex Xubnood Guddida Doorashooyinka Qaranka

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanaayasha Gollaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa saddex xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood ee Guddida Doorashooyinka dhowaan loo soo xulay oo saaka la horgeeyay daaqada ka saaray.

Mudanayaasha Gollaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo u codaynaya xubnaha Guddida doorashooyinka ee Madaxweynuhu usoo gudbiyay, Image Araweelo News Network, 20 Jun 2022

Fadhiga gollaha wakiillada ee Isniintii Maanta, ayaa la horgeeyay toddobada xubnood ee Guddida doorashooyinka cusub, kuwaas saddex ka mid ah uu soo magcaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, halka laba xubnoood ay soo gudbiyeen gollaha guurtida, laba xubnoodna ay soo magcaabeen labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

 Guddoomiye  Cabdirisaaq Khaliif oo fadhiga guddoominayay, ayaa xubin xubin gollaha ugu weydiiyay cod markii la akhriyay  taariikhdooda waxbarasho, xirfadohooda iyo waaya aragnimadooda, balse mudanaayasha, ayaa saddex xubnood oo laba ka mid ah ay yihiin saddexdii Madaxweynuhu soo magcaabay, ayaa waayay codka kalsoonida gollaha, halka xubinta ee weyday codka kalsoonida ay ahayd mdi ahaan labada xubnood ee gollaha guurtidu soo magcaabay, waxaana saddexdaa xubnood dib loogu celiyay Madaxweynaha oo sharcigu awood u siinayo inuu mar kale kusoo celiyo gollaha haddii aannay Madaxweynaha iyo guurtidu soo bedelin xubnahaa.

Afarta xubnood ee xubnaha Guddida doorashooyinka ee helay kalsoonida  gollaha wakiillada iyo saddexda xubnood ee waayay golluhu ugu kala codeeyeen sidan.

Sida uu sheegay Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, 68 mudane, ayaa xilligaa fadhiyay madasha, waxaana Faadumo Ismaaciil Cabdi Quule (Faadumo Quule), oo Gollaha Guurtida Somaliland soo magcaabay  u codeeyay 67 xildhibaan, waxayna sidaa ku heshay kalsoonida gollaha wakiillada.

Muuse Xasan Yuusuf oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo magcaabay waxa oggolaaday 33 xildhibaan oo ka mid ahaa 68 xildhibaan oo madasha fadhiyay, 19 ayaa diiday, waxaana ka aamusay 16 xildhibaan, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaana wuxuu ku waayay kalsoonida gollaha wakiillada.

Cabdicasiis Xirsi Warsame oo xisbiga mucaaradka ee Waddani soo magcaabay, waxa  oggolaaday 49 mudane, waxa diiday 10 mudane, waxa ka aamusay 9 xildhibaan, guddoomiyuhuna ma codayn, wuxuuna sidaa ku helay kalsoonida gollaha wakiillada

Axmed Cismaan Xasan, oo Madaxweynuhu soo magcaabay, waxa oggolaaday 39 mudane, oo ka mid ah 69 xildhibaan oo fadhiga kasoo xaadiray, 11 xildhibaan ayaa diiday, 18 ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaana wuxuu ku waayay kalsoonida gollaha wakiillada.

Xuseen Cabdi Cali oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo magcaabay, waxa oggolaaday 45 xildhibaan, waxa diiday 10 mudane, waxa ka aamusay 13 mudane, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaana wuxuu ku helay codka kalsoonida gollaha wakliillada.

Axmed Yuusuf Maxamed oo gollaha guurtidu soo magcaabay, waxa  oggolaaday 39 mudane, waxaa diiday 10 mudane, waxa ka aamusay 18, guddoomiyuhuna ma codayn, wuxuuna sidaa ku waayay kalsoonida gollaha wakiillada.

Ibraahim Aadan Cali oo xisbiga UCID soo magcaabay 68 mudane, ayaa oggolaaday  mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay, sidaana  wuxuu ku ansaxay sidaa, isagoo noqday xubintii heshay codadka ugu baddan xildhibaanada gollaha wakiiladdu ee xilligaa fadhiga ku sugnaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post