X

Somaliland: Gollaha Wakiiladda  Oo Ku Ansixiyay Miisaaniyadda Sadex Meelood Oo Meel Tirada Guud Ee Gollaha

Shirgudoonka gollaha Wakiiladda Somaliland 26 December 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somaliland: @Gollaha Wakiiladda  Oo Ku Ansixiyay Miisaaniyadda Sadex Meelood Oo Meel Tirada Guud Ee Gollaha

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wakiiladda Jamhuuriyadda #Somaliland, ayaa fadhigii saaka ku meel mariyay  Odoroska miisaaniyad sannadeedka 2021. kaddib dood ay maalmihii lasoo dhaafay ka yeesheen.

Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda, Baashe Maxamed Faarax oo fadhiga guddoomiyay, ayaa u sheegay in miisaaniyada la raacinayo lifaaqii mudanayaasha loo qaybiyay ee  kasoo baxday guddida dhaqaalaha ee gollaha.

Guddoomiya Baashe ayaa markaa kaddib gollaha cod  u weydiiyay Miisaaniyadda 2021, waxaana ogolaaday 27 Mudane, 9 Mudane ayaa ka aamusay iyo 5 mudane oo diiday, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaa ayuuna ku dhawaaqay guddoomiye in ay ku ansaxday, iyadoo ay gollaha ka maqanaayeen kala badh xubnaha gollaha.

Ansixinta miisaaniyada ee golluhu ansixiyay, ayaa u muuqata mid aan helin aqlabiyad, iyadoo saddex meelood oo meel ay u u coddeeyeen tirada guud ee golaha oo ay kala badh ka maqnaayeen fadhigaa.

Munayaasha ayaa markaa ka hor ansixiyay xubin ku maqnayd guddida Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Madaxweynuhu usoo gudbiyay.

 

Araweelo News Network.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post