X

#Somaliland: Gollaha Wakiiladda Oo Ku Ansixiyay Miisaaniyadda Qaabkii Xukuumaddu U Qorshaysay

 

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Gollaha Wakiiladda Somaliland, ayaa meel mariyay miisaaniyadda Qaranka ee xukuumadda Madaxweyne Biixi  hore isugu khilaafeen.

Miisaaniyad sanadeedka 2024, ayaa hore xukuumaddu ugu soo gudbisay Gollaha, bales mudanayaasha ayaa xilligaa wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyay, iyagoo markaa kaddib ku ansiyay cod 42 ah Marxh 2024.

Hase yeeshee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa diiday lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista Gollaha wakiiladda ee miisaaniyadda 2024, waxaana ka dhashay murran soo kala dhexgalay waaxda filinta ee Madaxtooyadda iyo Gollaha Wakiiladda oo ah waaxda sharci dejinta ee Baarlamaanka.

Awareness

Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa markaa kaddib Digreeto kusoo saartay in lasii isticmaalo miisaaniyadii 2023, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa mar kale Gollaha usoo gudbiyay lifaaq uu Gollaha kaga dalbanayo in Miisaaniyadda 2024 sideedii ay ku ansixiyaan, iyadoo meesha laga saarayo lifaaqa kaabista iyo wax-ka -bedelka ay hore  ugu  sameeyeen Gollaha wakiiladu.

59 xildhibaan oo kasoo xaadiray fadhiga saaka Sabti 29 Jun 2024, , wuxuu Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo guddoominayay fadhiga weydiiyay xildhibaanada in ay u codeeyaan soo jeedinta Madaxweynaha oo ay aqbalaan oo sidaa loogu codeeyo Miisaaniyadda iyo in la diido.

Hase yeeshee markii Gollaha la weydiiyay kala Doorashada  innay aqbalaan ama diidaan soo jeedinta Madaxweynaha waxa cod la geliyay ku ogolaaday 35, halka 9 xildhibaan ka aamuseen, 14 xildhibaan ayaa iyagu diiday,  iyadoo aannu Guddoomiye Faratoon codayn. Sidaa ayaana lagu Ansixiyay Miisaaniyadda ay golluhu muddada  afarta bilood ku dhow isku khilaafsanaayeen Xukuumadda, waxaana lagu ansixiyay qaabkii xukuumaddu usoo qorshaysay miinaasinayadda Qaranka ee 2024.

Laxidhiidha: Somaliland; Gollaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka Ee 2024

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post