X

Somaliland: Gollaha Guurtida Oo Waxyaabo Layaab Ah Kala Kulmay Hantidhawrka Guud Iyo Hay’addo Kale

Araweelo News Network.

“Maareeyuhu wuxuu noo sheegay  in aannay  Lacagtaa Qaadin, waxaanse oggaanay in Lacagtaa La qaado oo Meelo kale ay Marto”

Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa si weyn u dhaliilayay masuulka ugu sareeya Hay’adda Hantidhawrka guud ee Qaranka, iyagoo sheegay in aannu ula dhaqmin qaab masuuliyid ku jirto.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay jiraan lacago la lunsado oo laga qaado diyaaraddaha, taas oo ay ku oggaadeen baadhiteen ay sameeyeen, waxayna sidaa ku sheegeenwarbixin lagu bandhigay gollaha.

Guddoomiyaha Guddida Dhaqaallaha ee gollaha Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ah khabiir aqoonyahan ah, isla markaana muddo dheer ka tirsanaa gollaha, ayaa warbixin uu siinayay maanta gollaha kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo kale.

Xidlhibaan Axmed Dirir, wuxuu sheegay in guddi ahaan ay booqdeen Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Xafiiska Maareeyaha Duulista Hawadda Somaliland iyo Baanka Dhexe, isagoo gollaha ka sheegay waxyaabaha ay kala kulmeen masuuliyiinta iyo qaabkii ay u qaabileen.

 

Guddoomiyaha Guddida Dhaqaallaha ee gollaha Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka hadlaya arrimaaha halkan ka Daawo AraweeloTV.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post