X
    Categories: Warar

Somaliland: Golaha wasiirradda Oo Lagaga Dooday Maalgashiga Dalka Iyo Arrimaha Amniga

muuqaalka shirka golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Jan. 24 2019.

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii 25-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/12/2018, waxa lagaga dooday Maalgashiga iyo horumarinta dalku la wadaagi karo adduunka intiisa kale, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirrada, arrimaha gudaha iyo horumarinta Maalgashiga.

 

Goluhu waxay warbixin amniga la xidhiidha ka dhegaysteen wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanu wasiirku ku dheeraday adkaynta nabadgelyada dalka iyo qorsheyaasha ka hortaga falalka dhalinyarada caadaystay dhibaataynta ay habeenkii ka geystaan magaalooyinka qaarkood.

muuqaalka shirka golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, 6 Dec 2018.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirrada safarro shaqo oo uu ku soo maray dalka dibeddiisa, kuwaas oo la xidhiidha mashaariicda maalgashi ee dalku ku talaabsanayey mudooyinkii u danbeeyey iyo sidii shacab iyo xukuumad ba loogu diyaar garoobi lahaa mashaariicda maalgashi ee dalka kusoo wajahan, iyada oo indhaha caalamku kusoo jeedaan waddanka, danaynayaanna khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland.

muuqaalka qaar ka mid ah golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay shirka golaha wasiirradda, 6 Dec 2018.

 

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku adkeeyey in ay dardargeliyaan mashaariicdii horumarineed ee uu kasoo dhagax-dhigay gobolladii uu safarka ku soo maray, isla markaana ay dhammaystiraan dhammaanba mashaariicdii hore uga socday gobollada dalka.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post