X

Somaliland: Golaha Wasiirradda Oo Ka Dooday Siyaasadda Dhulka

Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland. Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo horumarinta maalgashiga.

Waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen siyaasada dhulka iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa  dhibaatada iyo muranka dhulka ee soo noq-noqday muddooyinkii u danbeeyey, siyaasaddan dhulku waxay diirada saaraysaa, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhulka, iyada oo goluhu guddi u saaray wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu samayn doono siyaasadda dhulka.

Waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada siyaasadda ganacsatada dhexe iyo ganacsatada yar yar, siyaasadaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku, iyadoo goluhuna kal-fadhiyada danbe ku soo celin doonaan golaha.

Ugu danbayntiina waxa golaha warbixin ka horjeediyey wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, oo ku dheeraaday hawlaha shaqo iyo horumarka wasaaradda isagoo golaha u soo bandhigay qorshayaashii u hirgalay. Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga  oo ka soo laabtay safarro uu muddooyinkii u danbeeyey ku marayey dalalka yurub ayaa golaha golaha warbixin ka siiyey kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay qaar ka mida masuuliyiinta dalalkaas iyo   shirkado maalgashi, waxaanu wasiirku sheegay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland, badiba ay dalalka adduunku danaynayaan inay maalgashi ka sameeyaan, ayna majeerteen sida bulshada Somaliland diyaarka ugu yihiin in dalkooda la maalgashado, madaama shirkado caalamiyi ku dhiiradeen maalgelinta Somaliland, wasaaradda maalgashiguna iyadoo ka duulaysa doorkeeda iibgeynta maalgashiga dalka uu wasiir ahaan la wadaagay fursadaha maalgashi ee wadanka.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post