X
    Categories: Warar

.Somaliland: Golaha Wasiirradda Oo Dood Dheer Kadib Dib U Dhigay Ansixinta Miisaaniyad Sannadeedka 26aad Ee 2018.

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

 

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii toddobaad (7aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22.03.2018, shirkoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay xarunta Madaxtooyada.

Shirkaasina waxa lagu lafo guray miisaaniyad-sanadeedka 2018 oo ay soo gudbisay wasaaradda horumarinta Maaliyaddu iyadoo uu sharraxaad ka siiyey golaha, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada, mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iyo sida ay ugu saleeyeen qorshaha labaad ee horumarinta qaranka.

Waxaanu goluhu ka yeeshay dood iyo falan qayn, isla markaana si qoto dheer uga dooday meelaha ay awoodda saarayso odoroska miisaaniyad sanadeedka 2018 ka, iyadoo dood dheer ka dib loo ballamay kal-fadhi danbe si loogu ansixiyo miisaaniyad sannadeedkaasi.

Ugu dambayn madaxweynaha Somaliland waxa uu xog-warran ka siiyey golaha wasiirrada guulaha ay Somaliland ka soo hoysay safarkii taariikhiga ahaa ee weftigii uu hoggaaminayey ku tageen Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaasoo salka ku hayey xidhiidhka wanaagsan ee labada dal iyo horumarka ganacsi ee ka dhexeeya, waxaanu safarkani ahaa mid indhaha beesha caalamka ku soo jeediyey Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana taabbo gelinaya horumar siyaasadeed iyo saaxiibo ganacsi oo hor leh.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post