X
    Categories: Warar

Somaliland: Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2019-Ka

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka.

Odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ee ay maanta ansixiyeen xubnaha golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah miisaaniyadii 27-aad ee qaranku yeesho, ayaa ka kooban miisaaniyadda guud ee dawladda dhexe, hayโ€™adaha madaxa bannaan, Dawladaha hoose iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, iyadoo dhan, 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling.

Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka dawladda dhexe ee 2019-ka, oo dhan 1,823,975,720,000 (Hal tiriliyan, siddeed boqol saddex iyo labaatan Bilyan, sagaal boqol iyo shan iyo Toddobaatan milyan, Toddoba boqol iyo Labaatan kun) oo Somaliland shilling ah, waxana ay miisaaniyad-sannadeedkii hore ee 2018-ka ka badan tahay 8% (Boqolkiiba siddeed).

Miisaaniyad sannadeedka 2019-ku waxay diiradda saaraysaa, Amniga, Xoojinta iyo tayeynta garsoorka, Waxbarashada, Biyaha, Caafimaadka, Xoolaha kalluunka, Beeraha, Tamarta iyo Macdanta, Deegaanka, Aqoonsi-raadinta, Doorashooyinka, iyo daryeelka shaqaalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dood iyo falanqayn dheer ay xubnaha golaha wasiirradu ka yeesheen odoroska miisaaniyadda 2019-ka, waxa uu cod geliyey miisaaniyadda, waxana oggolaaday 28-wasiir, halka 2-xubnoodna ka aamuuseen, cid diidayna aanay jirin, waxana sidaas ku meelmaray odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ee qaranka, taas oo u gudbi doonta golaha wakiillada oo waajibaadkooda distooriga ah ka gudan doona.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post