X
    Categories: Warar

Somaliland: Golaha Wasiirada Oo La Horgeeyay Qorshaha Dhismaha Guryaha Shaqaalaha Dawladda

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la horgeeyay qorshaha dhismaha Gurayaha shaqaalaha Dawladda oo ay soo bandhigtay Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, (Video Conference), shirka golaha Wasiirada 17, September 2020, Araweelo News Network

Sidoo kale, golaha Wasiirada, ayaa ansixiyay siyaasada maamulka Hantida raagta (Fixed Asset Policy), oo Wasaaradda Maaliyadu horgeysay fadhigii kan ka horreeyay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici (Video Conference), shirka golaha Wasiirada 17, September 2020, Araweelo News Network.

Shirka Golaha Wasiiradda oo ahaa mid ay kaga qaybgaleen habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference), waxa shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ku weheliyay Madaxweynaha fadhigaa.

 

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network,

War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed warbixin guud ka siiyey golaha Wasiirada xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka.

Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud Dhulka  iyo Guriyaynta, Cabdirashiid Ducaale Qanbi, ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida Guryaha shaqaalaha dawladda.

Wasiir Qanbi, ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka iyo nashqada ay noqon doonaan Guryahaasi, wuxuuna  xusay in Wasaaraddiisu diyaarisay Dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi. sida lagu sheegay War-saxaafadeedka Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Golaha ayaa markaa kaddib dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida Guryaha shaqaalaha, iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka, isla markaana xoojinaysana tayaynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka, ayaa lagu yidhi, Qoraal saxaafadeedka.

 

Gebagebadii waxa goluhu ansixiyay siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyadu, iyadoo golaha Wasiiradu shirkii hore kaga yeeshay dood lagaga hadlay arrintaa, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyadda Somaliland kasoo baxay 17 September 2020, maanta oo Khamiis ah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post