Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la horgeeyay qorshaha dhismaha Gurayaha shaqaalaha Dawladda oo ay soo bandhigtay Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta.
Sidoo kale, golaha Wasiirada, ayaa ansixiyay siyaasada maamulka Hantida raagta (Fixed Asset Policy), oo Wasaaradda Maaliyadu horgeysay fadhigii kan ka horreeyay.
Shirka Golaha Wasiiradda oo ahaa mid ay kaga qaybgaleen habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference), waxa shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ku weheliyay Madaxweynaha fadhigaa.
Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network,
War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed warbixin guud ka siiyey golaha Wasiirada xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka.
Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud Dhulka iyo Guriyaynta, Cabdirashiid Ducaale Qanbi, ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida Guryaha shaqaalaha dawladda.
Wasiir Qanbi, ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka iyo nashqada ay noqon doonaan Guryahaasi, wuxuuna xusay in Wasaaraddiisu diyaarisay Dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi. sida lagu sheegay War-saxaafadeedka Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.
Golaha ayaa markaa kaddib dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida Guryaha shaqaalaha, iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka, isla markaana xoojinaysana tayaynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka, ayaa lagu yidhi, Qoraal saxaafadeedka.
Gebagebadii waxa goluhu ansixiyay siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyadu, iyadoo golaha Wasiiradu shirkii hore kaga yeeshay dood lagaga hadlay arrintaa, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyadda Somaliland kasoo baxay 17 September 2020, maanta oo Khamiis ah