X
    Categories: Warar

Somaliland: Golaha Wakiillada Oo La Geeyay Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa golaha wakiillada Somaliland u gudbisay Odoroska mala-awaalka miisaaniyad sannadeedka 2020.
Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo ay weheliyaan saraakiisha wasaaradda, ayaa maanta Golaha Wakiillada horgeeyay miisaaniyadaa oo noqonay tii 29aad, isla marakana xanbaarsan 18%, korodh ka badan miisaaniyad sannadeedkii 2019.


Wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sharaxaad ka bixiyay odoroska miisaaniyada ay soo gudbisay xukuumaddu ee qaranka masuulka uga tahay wasaaradiisu maamulkeeda, taas oo uu sheegay in sannadkan 2020-ka ay awoodda saareen dhinacyada Amniga, Waxbarashada. Caafimadka, Wax-soo-saarka, Doorashooyinka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada.


Xildhibaannada Golaha Wakiilada, ayaa Wasiirka ku boobay su’aalo la xidhiidha miisaaniyada uu hor keenay iyo kharashaadka ku jira, sidoo kale waxa la weydiiyay su’aalo la xidhiidha kharashaad ku jiray miisaaniyada sannadkii hore ee 2019.


Su’aalaha la xidhiidha miisaaniyada ee la weydiiyay wasiirka halkan ka daawo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post