X
    Categories: Warar

Somaliland: Golaha Wakiillada oo Duuduub ku Ansixiyey Miisaaniyad-sannadeedka 2017

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si duuduub ah ku ansixiyey miisaaniyadda qaranka ee sannadkan 2017, kadib markii xildhibaannada goluhu horjoogsadeen in dood laga yeesho miisaaniyadda.
Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhiga golaha shirguddoominayey, ayaa mudanayaasha u soo bandhigay inay u kala coddeeyaan laba figradood oo khuseeya miisaaniyadda loo soo gudbiyey golahooda 26 December 2016, labadaas oo kala ah;
• In aan laga doodi karin miisaaniyadda oo duuduub lagu ansixiyo
• Iyo ra’yi kale oo ah in laga doodo miisaaniyadda.
“Golaha waxa fadhiya 66 mudane, waxa ay 25 mudane taageereen soo jeedinta ah in laga doodo miisaaniyadda, halka ay 36 mudane taageereen soo jeedinta ah in duuduub lagu ansixiyo miisaaniyadda 2017, waxaanna ansaxday in duuduub lagu ansixiyo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cirro oo mudanayaasha u sheegay natiijada ka soo baxday codka loo qaaday labada fikradood ee miiska yaallay.
Kadibna, waxa mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ay fadhiyeen 66 mudane ay cod gacan taag ah ku meelmariyeen Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka qaranka Somaliland ee lagu shaqayn doono sannadkan bilawga ah ee 2017 oo xaddigeedu dhan yahay 2,175,104,355,662 oo shillin Somaliland ah, una dhiganta $362,517,393 (saddex boqol, lixdan iyo laba milyan, shan boqol, toddoba iyo toban kun, saddex boqol, sagaashan iyo saddex) doollar, taasoo lagu daray dhaqaalaha ku baxaya doorashada Madaxtooyada ee muddaysan 28 March 2017 oo gaadhaya ilaa $9 milyan oo doollar.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post