X
    Categories: Warar

Somaliland: Golaha Wakiiladda Oo Meel Mariyay Odoroska Miisaaniyada Qaranka Ee 2019 Kadib Wax Ka Bedel Ay Ku Sameeyeen

Golaha Wakiiladda Somalialnd, ayaa meel mariyay Odoroska Miisaaniyada 2019, 29 Dec 2018. photo File Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Golaha Wakiiladda Somalialnd, ayaa meel mariyay Odoroska Miisaaniyada 2019, ee xukuumaddu usoo gudbisay, waxayna Mudanayaashu ku meel mariyeen kal-fadhigii 38aad oo maanta ka dhacay Xarunta golaha ee Magaalada Hargeysa. kadib markii ay wax ka bedel ku sameeyeen, isla markaana raaciyeen lifaaq.

Fadhiga golaha Wakiiladda oo uu shir-gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxa qayb galay 60 xildhibaan, kuwaas oo guddoomiyuhu ku war geliyay in loo codeeyo Odoroska miisaaniyada oo la raaciyo lifaaqa ay soo jeediyeen guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda Somaliland.

46 Xildhibaan oo ka mid ahaa 60 Xildhibaan oo madasha fadhiyay, 12 Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan. Sidaana waxa lagu ansixiyay Odoroska miisaaniyada 2019, taas oo goluhu raaciyay lifaaqa wax ka bedelka.

Mudanayaasha golaha,ayaa galay fasax laba Bilood ah oo ka bilaabmaya 30 December 2018.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post