X
    Categories: Warar

Somaliland: Golaha Wakiiladda Oo Loo Balan Qaaday In Laga Taageero Dhaqaalaha Ku Baxaya Habaynta Xeerka Doorashada

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Waxa maanta Guddida Arrimaha Gudaha Iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiiladu kulan la yeelatay Xafiiskeeda Haa’yadaha SAFERWORLD. SONSAF, ADP, NEC. kulan kan oo u jeedadiisu ahay in laysla eego sidii loo bilaabi lahaa hawsha Xeerka doorashada golaha wakiilada oo ay Guddidu Gacanta Ku hayso, kasoo dhawaan guddudi safari ugu bixi doonto gobolada oodhan.

kulankan oo uu Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baashe Maxamed Faarax waxa kale oo ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka Guddida Bashiir Xuseen Tukaake, Cali Xaaji Maxamed, Cabdullaahi Xuseen Cige, Xaashi Xuseen Caabi iyo Xog-haya Golaha Wakiilada, Cabdirisaaq Siiciid Ayaanle Iyo Xog-haya Guddida Cabdraxmaan Jaamac Nuur.

Dhinaca Hay’adda waxa ka kala socday SAFER World, Cabdjaliil Daahir, Marjome Walla, Olie Chevreew, Moses Owuor, SONSAF: Maxamed Axmed iyo Mustafe Sacad, ADP, Maxamed Faarax, NEC. Xasan Faarax,

Kulan, ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid loo balansanaa in guddida iyo haya’ddahaasi ay isla eegaan sida loo bilaabayo hawsha iyo wakhtiga la bilaabayo, wuxuuna Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada ka war bixiyay muhiimada uu leeyahay xeerkan iyo sida loogu baahan in sida u dhakhsaha badan loo galo, isagoo xusay in gudidu ay diyaar u yihin sidi ay hawsha u soo dhamaystiri lahaayeen kalfadhigan soo socdana si loo hor dhigo golaha, balse waxa keliya ee loo baahan yahay tahay in laga taageero kharashka hawsha ku baxaya.

Geesta kale Masuulkii ka socday Hay’addahaa, ayaa sheegay inay diyaar u yihin inay ka cawiyaan kharakhka ku baxaya hawsha oo ay gacanta ku hayaan diyaarna u yihiin in sida u dhakhsaha badan loo bilaabi hawhsa xeerka.

Gebagebadii waxa lasysla qaatay in hasha la bilaabo todobaadka soo socda, gudiduna ay diyaariso jadwalki ay hasha ku fulin lahay, sabtida soo socotana ay kulanka kale iskugu soo noqdaan Guddida iyo saraakiisha ka soco oo ay jadwalka iyo bilowga hawshaba dhameeyan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post