X

Somaliland: Go’aan Lagu Kordhiyay Mushaharka Ciidamadda Oo Kasoo Baxay Shirkii Gollaha Wasiirada

Gollaha Wasiirada Somaliland oo ka dooday Odoroska Miisaaniyada 2022 ilaa 2024, Image Araweelo News Network 5 August 2021.

 

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN) -Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay go,aan lagu kordhiyay mushaharka ciidamadda Qaranka.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeefd kasoo baxay shirkii gallaha wasiirrada oo nuqul ka mid ah soo gaadhay maanta shebekaddaha Araweelo News Network.
Qoraal saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:  “Fadhigii 78-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda.
Ugu horrayna waxa warbixin laga dhegeystay wasiirka Arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha xog ka siiyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xidhiidha sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka. Sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyey la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika.
Waxa isna golaha warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xidhiidha miisaaniyadda qaranka Somaliland.
Ugu danbayntiina wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaharka dhammaan ciidamada qalabka sida.

                      DHAMMNAD

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post