X

Somaliland: Go’aamo Kasoo Baxay Shirkii Gollaha Wasiirrada

Gollaha Wasiirada Somaliland oo ka dooday Odoroska Miisaaniyada 2022 ilaa 2024, Image Araweelo News Network 5 August 2021.

Arawaelo News Network

Hargeysa(ANN)- Fadhigii 93aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) .

Fadhigii 93aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha image file Araweelo News Network.
 
Shirkaa waxay ka soo baxeen qodobo muhiim  oo diirada lagu saaray arrimo kala duwan oo qaranka dan u ah. Sidoo kale Goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Diinta iyo Awqaafta.
 
Ugu horanna waxa golaha war-bixin la xidhiidha amniga qaranka la wadaagay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaalada amni ee dalku inay tahay nabadgelyo ah. Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha arrimaha siyaasada dibeda ka dhegeysteen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud oo muddooyinkii u danbeeyey safaro kala duwan ku soo maray Dalalka Uk iyo France, isagoo wasiirku xusay in safaradaasi ku soo dhammaadeen guul qaranka u soo hooyatay.
 
Waxa kale oo goluhu warbixin la xidhiidha gubashadii Suuqa weyn ee Waaheen ka dhegeysteen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo uu wehelinayey Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahin Yuusuf, waxaanu golaha la wadaagay halka uu marayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa waaheen iyo qorshaha dejinta suuqyada ku meel-gaadhka ah ee loo diyaariyey inay ku ganacsadaan dadkii uu saameeyey dabkii Waaheen, taas oo uu xusay in dejinta la bilaabi doono todobadka danbe.
 
Dhinaca kale Goluhu waxa uu qodobbo ka soo saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay yeesheen Maanta oo Khamiisa taariikhduna ay tahay 16-June-2022-ka.
1.      Dood iyo falan-qayn dheer oo socotay ilaa shirkii kan ka horeeyey ka dib Goluhu waxa uu Qabyo-qoraalka Xeerka Madax-dhaqameedka dalka, ay fareen Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay dib u habayn ku soo samayso nuxurka uu Xambaarsan yahay Xeerkaasi, iyada oo  Wasaaraddu ka duulaysa dooddii iyo talooyinkii Xubnaha Golaha Wasiirradu soo jeediyeen shirarkii u danbeeyey.
 
2.      Goluhu waxa uu ku dheeraaday xaaladda maceeshada iyo shidaalka ee qiimahoodu kor u sii kacayo marba marka ka danbaysa, kuwaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ay kala mid tahay bulshada kale ee caalamka ku nool, isla markaana wadan waliba samaynayo isku tashi Qaran. Sidoo kalena ay xaaladdii abaartu wali dalka ka taagan tahay. Sidaa awgeed Goluhu waxa uu go’aamiyey in la joojiso mashaariicda horumarinta ee ku jira odoroska Miisaaniyadda 2022-ka, si loo samayn karo gurmad degdeg ah haddii xaaladuhu sii adkaadaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post