X

Somaliland: Gen: Doollaal Oo La Xukumay

General Jaaamac Maxamuud Aadan (General Doollaal) Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somaliland: Gen: Doollaal Oo La Xukumay

Hargeysa(ANN)-General Jaaamac Maxamuud Aadan (General Doollaal) oo ka mid ahaa Saraakiishii mujaahidiinta dalka usoo huray naftooda, xilligana ka mid ah Saraakiisha hoggaanka sare ee ciiddanka Qaranka Somaliland, ayaa maanta Maxkamad Millateri ku riday xukun.

Gen. Doollaad ayaa oo muddo xidhnaa, ayaa shalay la horgeeyay Maxkamadda Millateriga Somaliland, balse mar kale ayaa saaka lagu celiyay Maxakamadda, kaddibna ay ku xukuntay 2 sannadood oo xadhiga ah.

Ma jiro war kasoo baxay Maxkamadda Millateriga oo la xidhidiha General Doollaal, balse qaar ka mid ah ehelada General Jaamac Maxamuud Aadan (Gen Dollaal), ayaa u xaqiijiyay shebekadda Araweelo News Network in maanta Maxkamadda Millateri ee la horgeeyay ay ku riday xadhig laba sannood ah.

Maxkamadda ayaa General Doollaal sheegtay in ay ku heshay xidhiidh uu la sameeyay qof ku sugan magaalada Muqdisho oo ehelkiisa ah, kaas oo uu kala hadlay arrimo qoys, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehelkiisu, iyadoo Maxkamaddu arrintaa ku tilmaantay danbi uu galay Gen. Doollaal.

Hase yeeshee waxay sheegeen in Maxkamadda Millateri ku weyday General Doollaad eedaynta la xidhiidhay khiyaamo qaran oo ay sida ay sheegayaan qaar ka kid ah eheladiisu loo haystay Gen: Doollaal, balse ay Maxkamaddu laashay markii wax caddaymo ah loo waayay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi Oo Ku Baaqay In General Doolaal Xabsiga Laga Soo Daayo

General Jaaamac Maxamuud Aadan (General Doollaal) oo ka mid ahaa Saraakiishii mujaahidiinta dalka usoo huray naftooda, xilligana ka mid ah Saraakiisha hoggaanka sare ee ciiddanka Qaranka Somaliland, ayaa maalmihii u danbeeyay xidhnaa, waxaana xadhigiisa ka dhashay doodo iyo hadalhayn badan, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay laga dayrinayay caafimaadkiisa.

Qaar ka mid ah qoyskiisa ayaa hore u sheegay in xadhiga Gen: Doollaal uu yahay mid siyaasadaysan, isla markaana waxay ku doodeen in xadhigiisu la xidhiidho waraysi Taariikhi ah oo uu bixiyay, kuwaas oo sida ay ku doodayeen kaga hadlayay halgankii dalka loo soo maray, isla markaana uu si cad ugu bayaamiyay in la majara habaabiyo taariikhda halgankii SNM, oo u ka mid ahaa saraakiishii bilaw ilaa dhammaad doorka weyn ee muuqda ku lahaa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka hadlay xadhiga Gen. Doollaal, wuxuuna ku baaqay in xadhiga Mujaahidkaa oo sida uu sheegay dalka tacab badan ku leh, isla markaana ka mid ahaa mujaajidiintii dalka xoreeyay hoos loo eego, isagoo dhinaca kale xusay in aannu jirin qof ka sareeya sharciga, balse ay lamaga maarmaan tahay in arrinta General Doollaal oo ah halgamaa hoos loo eego.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post