Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Ganacsade ka mid ah ganacsatada Magaalada Hargeysa. Kadib makii ciidanka Booliska Somaliland xabsiga dhigeen.
Cabdikariim Axmed Mooge oo hore u ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, ayaa xaqiijiyay in xabsiga la dhigay Ganacsade Cumar Caydiid oo ahaa gaacsadaha dhisanayay dhismaha weyn ee hore u ahaa Tiyaatarkii Hargeysa.
Cabdkariim Axmed Mooge, oo Idaacadda BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga la hadlay, ayaa ku tilmaamay xadhigaa mid sharci-daro ah oo aan loo marin wadada sharciga ah, balse ma sheegin sababta dhabta ah ee xadhiga gaacsadahaa, wuxuuse xusay in dhismaha uu Ganacade Cumar Caydiid ka waday dhismihii hore ee Tiyaatarka qayb ka mid ah buuq ka tagaanyahay, taas oo loo aanaynayo xadhiga ganacadahaa.
Hase yeeshee marar baddan baddan ayaa qaaquul ka dhacay dhismaha Tiyaatarka, iyadoo kooxo dablay ah isku rasaaseeyeen dhawr jeer, isla markaana rabshadii ugu danbaysay ee ka dhacda halkaa uu ku dhintay Marxuum ka mid ahaa Mujaaidiintii kasoo qayb qaatay halgankii dalka lagu xoreeyay ee Ururkii SNM, Marxuumkaa oo ay isku dhowaayeen Ganacsade Cumar Caydiid.