X
    Categories: Warar

Somaliland: Ganacsade Cali Ibraahim oo Sheegay in Keenista Shidaalka Aanay Xukuumaddu Shaqo ku lahayn

Cali Waraabe

Hargeysa (ANN)- Ganacsade Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar muddooyinkii u dambeeyey bulshadu isla dhexmaraysay oo lagu sheegay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay dalka Keenayso Shidaal.

Wararka arrintan sheegaya ayaa soo baxay kaddib uu madaxweyne Biixi dhawaan soo saaray go’aan uu gacanta dowladda dib ugu soo celinayo Haamaha Keydka ee Shidaalka magaalada Berbera oo ay hore gacanta ugu hayeen Iskaashato Ganacsato ah oo dalka keena Shidaalka kuwaas oo ay ku wareejisay xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay.

Ganacsade Cali Waraabe oo ka mid ah ganacsatada dalka keenta shidaalka oo telefishanka HCTV wax ka weydiiyey jiritaanka Arrintan, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warka arrintan ku saabsan, isagoo sheegay inay ganacsatada Shidaalku madaxweynaha u tageen kalana hadleen Arrinta Haamaha Keydka Shidaalka.

“Anigu inta aan ogahay ama dowladdu noo sheegtay, horta wax la wareegis ahi ma jirto, saxaafadda uunbaanu ka aragnay. Annagoo ah ganacsatada shidaalka oo dhowr iyo toban ka kooban, ayaanu u tagnay madaxweynaha oo waanu la kaftannay oo waxaanu ku nidhi, madaxweyne, haddii meesha dowladdu imanayso, naga qabo…”

Faahfaahinta Warkan iyo Hadalka uu Ganacsaduhu ku faahfaahiyey Arrimahan, halkan ka daawo muuqaalka Hoose.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post