X
    Categories: Warar

Somaliland: Gacan Ka Hadal Iyo Rasaas Ka Dhacday Golaha Wakiiladda Oo Sababtay In Xabsiga Loo Taxaabo Xildhibaan Iyo Dad Kale

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Ciidmada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo laba qof oo kale kadib markii saaka gacan ka hadal iyo rasaas ka dhacday xarunta golaha Wakiiladda Somaliland, iyadoo uu jiro muran iyo khilaaf ka dhashay doorashada guddoomiyaha golahaa.

Dagaalka gacan ka hadalka kadib ayaa laga riday xarunta golaha rasaas, waxaana markiiba goobta yimi Ciidamada Booliska, kuwaas oo xabsiga u taxaabay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo laba qof oo shacab ah, kuwaas oo lala xidhiidhiyay arrintaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon oo warbaahinta la hadlay markaa kadib, ayaa sheegay in la xidhay Xildhibaanka iyo laba qof oo shacab ah, wuxuuna tilmaamay in ay khalad weyn ahayd in golaha rasaas laga rido, isla markaana aanay jirin cid sharciga ka saraysa oo talaabo laga qaadayo ciddii ku kacda falal amniga waxyeelaya.

muuqaalka Barxada hore ee Hoolka mudanayaasha Somaliland


Dhinaca kale Khilaafka iyo Muranka ka doorashada guddoomiyaha, ayaa kala qaybiyay mudanayaasha golaha wakiiladda, iyadoo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ku doodaya in uu yahay guddoomiyaha xaqa ah ee golaha sheegay in natiijadii codka la khalday sidaa awgeed ay maxkamadda sare u gudbiyeen dacwad la xidhiidha arrintaa.

muuqaalka Barxada hore ee Hoolka mudanayaasha Somaliland

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhinaceeda sheegtay in ay guddoomiyaha sharciga ah u aqoonsan tahay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, waxayna arrintaasi sii xoojisay xiisada iyo muranka ka dhashay doorashada guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post