X
    Categories: Warar

Somaliland: Furitaanka Carwada 12-aad Ee Bandhigga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa 2019 Oo Si Rasmi Ah Loogu Furay Munaasibad Si Weyn Loo Aggaasimay

International Book Fair Hergeisa Opining 20 July 2019

#HIBF2019

Hargeysa (ANN)Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si rasmi ah u furay Carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ah sannadii 12-aad ee 20 July  2019, saaka munaasibad ballaadhan lag furay Xarunta Dhaqanka ee   Hargeysa.

Furitaanka Carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ah sannadii 12-aad ee 20 July  2019

Munaasibada Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa (International Book Fair Hergeisa) oo sannadkan dalka Masar marti ku yahay, waxaa kasoo qaybgalay 92 Xubnood oo kala kala socda 23 dal, Safiirrada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabbilsan Midawga Yurub, Nicolás Berlanga, Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat El-ginw, Qorayaal, Abwaanno, Hal-abuur kala duwan  iyo sidoo kale waxa Bandigan ku cusbayd Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Obama, Wasiirro, Xildhibaanno, Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda Somaliland, Mudan iyo Marti-sharaf kale oo danaynayay munaasibadaa oo ahayd mid si bilicsan loo soo agaasimay.

Furitaanka Carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ah sannadii 12-aad ee 20 July  2019

Furitaanka munaasibadaa, waxa ugu horrayn  Carwada 12-aad ee Buugaagta Hargeysa, hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeyas Jaamac Muuse Jaamac oo sharraxay martida joogta iyo waxay carwadan 12-aad kaga duwan tahay Bandhigyadii ka horreeyey ee xaruntaasi qabatay.

Furitaanka Carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ah sannadii 12-aad ee 20 July  2019

Furitaanka Carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ah sannadii 12-aad ee 20 July  2019 Sidoo kale halkaas ka hadashay,  Drs. Adna Aadan Ismaaciil, waxayna  ka sheekaysay arrimo kala duwan oo la xidhiidha heerka Carwada laga soo bilaabay iyo halkay marayso. Adma waxay ku dheeraatay taariikhda Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay u soo martay xornimadii lixdankii iyo halgankii ay midnimadii Soomaaliya kaga baxday 1991-kii iyo halka ay maanta marayso.

Wasiirka horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, ayaa soo dhaweeyey Carwadan Bandhigga Buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa, waxaanu u mahadceliyey Xubnaha haga Bandhigga Buugaata iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Yurub Nicolás Berlanga, Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana ammaanay doorka dhaqan ee ay qaadato Xarunta Dhaqanka Hargeysa, isla markaana sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qaybgalka Carwada Caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo sannadkii 12-aad si habsami ah uga furantay Hargeysa.

Gebo-gabadii waxa furay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, oo halkaa ka jeediyey hadal uu ugu mahad-naqay marti-sharafta kala duwan, isla markaana kaga hadlay siday u kala duwan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

Heesaha iyo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Qaarkood, ayaa lagu soo bandhigay intii qaybta hore ee Xafladda Bandhigga Buugaagtu socotay. Waxaana markaa ka dib loo gudbay Qaybaha kala duwan ee uu Bandhiggu u qorshaysnaa, iyadoo sidoo kale lagu dhegaystay dalka sannadkan Martida ku ah ee Masar Aqoonyahanno iyo Masuuliyiin ka socday.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post