Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro), ayaa lagu faaqiday xaaladda amniga dalka iyo arrimo kale oo khuseeya qaranka, kuwaas oo taabanaya dhaqaalaha iyo guud ahaan nollosha Bulshada.

Somaliland Fadhiga Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa guddoominayay Fadhigii 11-aad ee Shirka Golaha Wasiirradu ku yeesheen maanta  Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Shirka oo sida caadiga ah aannay saxaafadu goob joog ka ahayn, ayaa  lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, iyadoo ajandaha fadhiga maanta sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha oo markii fadhigu dhammaaday soo saaray war-saxaafadeed ku sheegay in warbixino laga dhegaystay xubnaha wasiirrada qaarkood kaddib lagu soo qaaday arrimo si gaar ah mudnaan loo siinayay.

Shirka golaha wasiirrada xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Qasriga Madaxtooyadda Hargeysa 5 March 2025, Araweelo News.

* War bixin la xidhiidha Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxa shirka ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegay in guud ahaannba amniga dalku uu sugan yahay.
* War bixin guud oo la xidhiidha muuqaalka Maaliyadeed ee dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in dar-dar gelinta ururinta ashuuraha GST iyo Cashuuraha Berriga ay si fiican u socdaan.” ayuu yidhi, Xuseen Aadan Cige (Dayr).
Sidoo kale, wuxuu sheegay in warbixinaha laga wasiirrada ay ka mid ahayd xaaladda Caafimaad ee dalka xilligan, * War bixin faah-faahsan oo la xidhiidha xaaladdaha guud ee caafimaadka dalka, waxana ka jeediyay fadhiga Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
* War bixin dheer oo la xidhiidha xaaladaha Barakacayaasha iyo gargaarka bini’aadanninimo, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada JSL.
Arrimaha dhoofka xooollaha ayaa sidoo kale lagaga hadlay, iyadoo warbixin laga dhegaystay Wasiirka Xannaanada Xoolaha., isagoo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyey ee dhoofka xoollaha iyo u diyaargarowga iyo gurmadka abaaraha, xal u helidda Iskuulka Xannaanada Xoolaha Sheekh oo weli xidhan.
* Hab-raaca ururinta iyo Isku-dubbaridka xogaha hawl-gallada Wasaaraddaha 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyay Wasiirrada Warfaafinta iyo Madaxtooyada, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayaa soo ban-dhigay Siyaasadda Beeraha iyo Siyaasadda Abuurka Beeraha iyo war-murtiyeedka kasoo baxay Shirkii heer Qaran ee Beeralayda Somaliland.
Xubnaha Golaha si guud ugaga xog warramay waxa ka mid ahaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ka mid ahaa xubnaha loo xilsaaray  Ansixinta talo soo jeedinta Guddidii loo asteeyay qorshaha iyo maaraynta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah, waxayna  Golaha Wasiirrada ee madasha fadhiyay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen talo soo jeedinta lasoo gudbiyay.
Xubnaha golaha ayaa loo qaybiyay  Siyaasadda Baadhista Macdanta Qaranka (Akhriska 1-aad). waxaana sidoo kale loo qaybiyay Xeerka Kaalmo-Sharci (Akhriska 1-aad)
Wasiirka Caddaalada Somaliland, ayaa warbixin uu ka jeediyay fadhiga gollaha wasiirrrada  kaga waramay Hab-sami u socodka hawlaha Diwaangelinta Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL:
 Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda, ayaa dhankiisa Golaha warbixin guud ka siiyey hawlaha qaranka ee xukuumadda boqolka maalmood ee u horeeya.
Fadhiga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golihiisa Wasiirrada la wadaagay warbixin ka hadlay dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Gobolka Sanaag ee xaruntiisu tahay Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, isagoo Madaxweynuhu tilmaamay in hawlahaasi meel wanaagsan marayaan, isla markaana wuxuu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenku oo ka shaqaynaya hawlaha ka socday Sanaag ee nabadaynta Ceerigaabo iyo qaramaynta ciidamada medeniga ah.