#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyene Cabdirazmaan Cirro, ayaa maanta yeeshay  Fadhigii 7-aad ee Shirka Gollaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland.

Fashiga xubnaha Gollaha Wasiirrada oo uu  Shir-guddoominaayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay kulanka kaddib qasriga Madaxtooyadda Ajandaha Shirka Gollaha Wasiirada, ayaa lagaga hadlay arrimo mudnaan u leh dalka iyo dadka .

Gollaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha guddaha iyo Amniga Qaranka oo sheegay in xaaladda guud ee dalku ay tahay mid degan oo nabad ah.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horrumarinta Dhaqaallaha ayaa Gollaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale, lagu xusay in Wasiirka Maaliyadda,  isaga oo ka hadlaya qorshihii  midaynta dakhliga Qaranka, wuxuu ku ammaanay Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Horumarinta Madaaradda oo soo wareejisay dakhliyadii kala duwanaa, isla markaana ay soo xaraysay dakhlihii ay qabatay laga soo bilaabo January 1st, 2025.

Dhankeeda Wasaaradda Duulista ayaa hirgalisay qaab ay ku suurto-galinay in Wasaaradda Maaliyaddu ay la socoto xogta adeegyada dakhli qabasho ee Madaarka, taas oo ka dhigaysa dakhliga madaarka mid banyaal ah (transparent).

War-saxaafadeedka uu soo saaray Xuseen Aadan Cigge (Dayr), Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland. ayaa dhanka kale  xusay qodobada muhiimka ah ee lagaga hadlay shirka, iyadoo laga xusay qodobo ay ka mid yihiin.

 

1. Shaqaalaha Ku meel gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Ha’yaadaha Dawliga ah kuwaas oo Madaxweynahu xal u helistooda u saarey Guddi Wasiiro ah oo ka kooban Lix Wasiir.

2. Warbixin ku Saabsan Difaaca Dalka iyo Qorshayaasha Wasaaradda Gaashandhiga oo uu Gollaha u soo jeediyey Wasiirka Gaashandhiga iyo Difaaca Qaranka JSL.

3. War bixin ku saabsan Xeerarka ka gudbay Xukuumadii hore iyo Mushaariic-da sharci ee horyaala Gollaha Wakiillada waxa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Gollayaasha iyo Arimaha Dastuurka.

4. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo uu soo jeediyey Wasiirka Horrumarinta Maalgashiga iyo Warshaddahu taas oo ku saabsan kormeerka Warshadaha dalka.

5. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safarro shaqo oo uu Wasiirku ugu baxay Gobalada dalka si uu ugu kuur galo baahiyaha adeega caafimaadka ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin cisbitaalada dalka.

6. Warbixinta ku saabsan Xaaladdaha Waxbarasho ee dalka, baahiyaha aas aasiga ah ee jira, Siyaasadda Waxbarashada JSL iyo safaro uu ku tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska gobalada Saaxil iyo Togdheer.