#Araweelo_News_Network

Ceergaabo(ANN)- Dagaal saacado socday ayaa maanta gelinkii danbe ka dhacay duleedka Koonfur Bari ee Magaalada Ceergaabo, iyadoo wararka hordhaca ah sheegayaan in dagaalku ka dhacay deegaanka Dhuur-madare oo qiyaastii Afartan kmtr u jirta degamada Ceergaabo .

Sarkaal u hadlay Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa warbaahinta u sheegay in dagalku daba socdo kii ka dhacay Magaalada shalay, waxaana  uu qiray wararka sheegaya inuu jiro khasaare dhimmasho iyo dhawaac, kaddib markii Maleeshiyaadka SSC oo doonayay innay kusoo dhowaadaan aagga ay ciidamadda qaranka Somaliland iyo SSP iyo G36 ay  ku muquuniyeen cudud Milalteri.

Dagaalka ayaa sidoo kale, sababay in laga qabtay maxaabiis iyo gaadiid kuwa dagaalka ah, wallow aan wararka hordhaca si dhab ah u xaqiijin tirada gaadiidka iyo maxaabiista ay ciidamadda Qaranka Somaliland  iyo kuwa SSP iyo G36 ee medeniga ah  oo ka dagaalamaya aagga dagaalka  laysku haleeyay maanta ay gacanta ku dhigee, balse goor danbe ayuu sarkaal u hadlay Ciidanka sheegay in tibaneeyo gaadiid ah gacanta lagu dhigay, isla markaana ay maxaabiis ku dhow dhow iyo toban laga qabtay, iyadoo dhinaca SSP sheegeen innay dhankodoa qabteen saddex gaadhi oo kuwa dagaalka ah, isla markanaa ay qabteen tobaneeyo maxaabiis ah.

Dagaalka ayaa yimi maalin kaddib markii guddaha Magaalada Ceergaabo laga saaray maleeshiyaad ku dagaalamay guddaha Magaalada oo doonayay innay xaaladda amniga ka dhigaan mid fawdo iyo dagaal, waxaana fiidkii magaalada Ceergaabo soo gaadhay gaaiidka la qabtay oo lagu sido maxaabiista lagu qabtay dagaalka, iyadoo tacshiirado rasaas ah oo loo macneeyay in ay ku muujinayeen hawadda loo ridayay, isla markaana dadweynaha oo isugu soo baxay shaaracyada la arkayay.

Kooxda Maleeshiyaadka geysteen falal ay dadka toogasho la beegsanayeen , waxaana lagu guulaystay dagaal socday saacado in laga saaro dhismayaasha iyo guryaha ay gaboodka ka dhigeen, iyadoo laga lasoo bandhigay tirooyin maxaabiix ah oo laga qabtay.

Dhinaca kale, dagaalka ayaa yimi maalin kaddib Markii Madaxweynaha Somaliland Cabdirxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) uu ku baaqay nabad in lagu xaliyo Collaada Bariga Somaliland.

Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo_News_Network.