X

#Somaliland: Doorashooyinka Oo Ka Bilaabmay  

Araweelo News Network.

Safaf Dhaadheer oo waaberigii goobbaha Cod Bixinta is qabsaday Magaalooyinka waaweyn

#Hargeysa(ANN)-#Somaliland Doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo gollaha wakiillada, ayaa si rasmi ah uga bilaabantay dalka oo dhan saaka, iyadoo waaberigii xilli hore goobbaha intooda badan, gaar ahaan caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka kale ay kumanaan shacab ah ku waaberiisteen.

Safaf dhaadheer ayaa goobbaha codbixinta markiiba laga dareemayay, waxaana ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo isagu codkiisa ka dhiibtay Hay’adda shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu wxuuu sheegay in ay doorashadu si nabadgelyo ah uga bilaabantay dalka oo dhan, waxaana sidoo kale ka hadlay qaabka ay saaka u dalka uga bilaabantay doorashadu Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyaraac oo warbaahunta la hadlay, isagoo garab taagan Madaxweynaha.

Guddoomiye Riyaraac, wuxuu sheegay in doorashadu si nabad ah u soco dhammaan dalka oo dhan goobbaha lla dhigay sanaaduuqada.

Muuqaalada ayaa muujinayaa in si weyn ay dadku ugu soo baxeen oo ay xillli hore ku waaberiisteen goobbaah cod bixinta, “saaka waaberigii ayaan imi halkan waxaan u imi in an codkayga dhiibto, waxan u codaynaaya laba murrashax oo Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ah” sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah dadka safafka dhaadheer taagnaa, wuxuuna sheegay in xilligan 8:30 Am, goobta uu ka codaynayo ee hay’addaha shqaalaha aannay dad badani joogin oo ay xilli hore ka fuleen dadkii saaka so biixiyay.

Dhinaca kale, gobollada dalka ayay si rasmi ah uga bilaabantay, iyadoo aannay ilaa hada jirin waxyaabo kasoo baxay goobbbaha cod boxinta, wallow deegaamada qaarkood ay adagtahay in si fudud looga war helo, sababo dhinaca isgaadhiinta iyo wadooyinka ah.

Wixii kasoo kordha doorashooyinka Somaliland ka;la soco Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post