X

Somaliland: Diyaargarawga Xuska 18 May Oo Xammaasadiisu Cirka Isku Shareertay

28th commemoration of Somaliland’s restoration of independence in 18 May 1991' (Araweelo News Network)

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Sannad Guurada 33aad ee xuska 18 May oo ku beegan maalinta Sabtida ee Beri, ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceergaabo, Awdal iyo Berbera, iyadoo ay wufuud ka tirsan xukuumadda u kala baxeen gobollada dalka.

Diyaargarawga toddobaadyadii u danbeeyay la arkayay dhaqdhaqaaqiisa, ayaa loo balamay in la weyneeyo sannadkan, maadaama sannadihii u danbeeyay qaarkood aan munaasibadda la weynayn, isla markaana ay jireen xilliyo la hakiyay xuska sababo kala duwan.

Xaraarada iyo xammaasada ayaa u muuqata mid ka duwan sannadihii u danbeeyay ee saluuga ay ka muujiyeen bulshaddu sida aan loo weynayn, laakiin xuska 18May ee sannadkan 2024, ayaa la dareemayaa sida loo weynaynayo.

Diyaargarawga ayaa noqonaya sannad-guuradii 33aad, balse maaha guddaha dalka iyo gobollada iyo degmooyinka ee dalalka shisheeye ee Yurub, Maraykanka,, Khaliijka iyo weliba kuwa bariga fog, iyo Koonfurta Eeshiya, ayaa munaasibada 18 May looga diyaargaroobay, iyadoo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan dalalkaa ay si weyn u samaynayaan xamaasad la doonayo in lagu muujiyo maalinta qaranimda Jamhuuriyadda Somaliland ee 1991, markii ay Somliland lasoo noqontay qaranimadeeda lagaga dhawaaqay shirkii Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 33 sannadood ka hor.

Kooxaha Fannaaniinta ayaa ku mashquulsan heeso loo qorsheeyay munaasibadda, iyadoo warbaahintuna dhankeeda u diyaargaroobay sidii loo muujin lahaa xuska munaasibadda, waxaana lagu taxay maalooyinka dalka Somaliland Calanka saddexda midab leh ee tawxiidku ku xardhanyahay, iyadoo goobbaha meheraddaha iyo shaaracyada waaweyn lagu xidhay calanka iyo laydhadh kala nooc ah.

Munaasibadda xuska maalintan oo qiima weyn ugu fadhida qaran ahaan iyo bulsho ahaan Somaliland, waxay dadku kusoo dhowaynayaan niyad wanaag iyo farxad, waxaana isu baxaya sawaxanka heesaha iyo dammaashaadka marba marka ka danbaysa sii xooggaysanaya oo laga dareemayo meel walba.

Ciidamada amaanka ayaa la geliyay heeggan iyo diyaargaraw si loo sugo amniga, waxayna ciidamada Boolisku bulshada la wadaageen farriimo la xidhiidha dhinaca amniga iyo nidaamka, maadaama ala hakiyo gaadiidka xilliga lagu jiro dabaaldega munaasibadda 18May.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post