X

Somaliland: Diiwaangelinta Oo Socota gobollada Sool iyo Sanaag

Araweelo News Network.

 

Sanaag(ANN)-Diiwaangelinta Codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland, ayaa ka bilaabantay degmooyinka gobolada bariga ee dalka kaddib markii guddiga doorashooyinka ee heer qaran gobolada galbeedka hore uga diiwaangeliyeen dadka aan hore fursad ugu helin diiwaangelinta.

Deegaamada bariga Soomaaliland ee laga bilaabay diiwaangelinta, ayaa kala ah, Ceergaabo, Badhan, Dhahar, Xudun, Laacaanood iyo Taleex, kuwaas oo ah degmo doorashooyinka gobolada Sanaag iyo Sool.

Guddida oo ay wehelinayaan Hoggaamiyayaasha Xisbiyada ayaa halkaa ka bilaabay Kormeer, waxayna booqdeen goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Guddidu waxayna halkaa kula hadleen warbaahinta maxaliga aha, iyagoo u mahadceliyay Hawl-wadeenada Goobaha Diiwaangelinta, Kormeerayaasha iyo Farsamo-yaqaanada Goobaha kuwaas oo dhammaantood muujiyay dedaal dheeraad ah iyo hawlkarnimo.

Guddoomiyaha Komishanka, Eng. Cabdirashid Maxamed Cali, guddoomiye Xigeenka Mustafe Maxamed Daahir iyo xubnaha kale ayaa sheegay inay kormeeyaan dhammaystirka Diiwaangelinta degmo-doorashooyinka Taleex, Xudun, Laascaanood oo gobolka Sool ka tirsan, sidoo kale Ceerigaabo, Badhan, Dhahar iyo Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ah murrashaxii Madaxweynaha ee xisbiga UCID, 2017,  guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde oo ay weheliyaan Wasiirada Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah. Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa guddida ku bogaadiyay hawlaha muhiimka ah oo ay ku mashquulsan yihiin ee ah diiwaangelinta Codbixiyayaasha Soomaliland.

Deegaamada xilligan laga wado diiwaangelinta ayaa noqonaya kuwii ugu danbeeyay ee laga sameeyo diiwaangelinta, waxaana markaa kaddib la qorshaynayaa in la muddeeyo xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka Somaliland oo marar badan dib u dhac ku yimi, isla markaana muddo dhaafay, balse la saadaalinayo inay qabsoomaan dabayaaqada 2021.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post