Astmaaha Iyo Marxaladdaha Xannuunka
Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)- Somaliland waxa kordhaya maalin maalinta ka danbaysa tirada dadka u dhimanaya xumadda xummada aadka u daran ee uu dhaliyo xannuunka Dengue, kaas oo aan noociisu hore loogu sheegin geyiga Somaliland.
Cusbitaalada Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, ayaa laga dareemay, iyadoo Cusbitaalka Magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa oo keliya ugu yaraan labaatan bukaan oo xannuunka Dengue asiibay la keenayo maalintii sida ay shebekaddaha Araweelo News Network u xaqiijiyeen qaar ka mid ah hawlwadeenada Cusbitaalku.
Bukaanadda xumadda daran ee uu dhaliyo fayraska Dengue, ayaa loo qorsheeyay Waadh gaar ah si loo daryeelo xaalladooda caafimaad, balse waxay hawlwadeenada iyo weliba qaarka mid ah Bukaannada kasoo samatabaxay u sheegeen Araweelo News Network in bukaannada qaarkood ku geeriyoodeen cusbitaalka intii lagu jiray gurmadka caafimaad ee loo samaynayay, kuwaas oo xaalladooda waxba laga qaban kari waayay.
Sidoo kale, Xabaallaha ku yaala afarta jiho ee magaalada Caasimadda ee Hargeysa oo ay ku nool yihiin tiro ahaan dadka ugu baddan, ayaa laga dareemay dhimashada oo korodhay marka loo eego intii aan xumadda Dengue ku waaberiisan Hargeysa, waxayna dad baddani tilmaamayaan in sababta korodhka dhimashada uu qayb weyn ka yahay Fayraska uu sababo xannuunka Dengeu ee xumadda oo dad baddan galaaftay nolloshooda, ama sabab looga dhigay.
Laxidhiidha: Callaamaddaha Lagu Garto Xannuunka Dengue
Dhakhaatiirta Somaliland iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay markii la dareemay xannuunka, wallow aannay jirin Somaliland goob heer qaran ah oo si gaar ah loogu shaybaadho xannuunada la garanwaayo (SCFD), ama aan hore loogu arag geyiga Somaliland noociiisa. Sidaa awgeed waxa murran iyo dooddo ka dhasheen qaabka loo kala qaadanyo xannuunka ee uu ku faafayo iyo waxyaabaha lagula tacaalayo.
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa awooddi weyday in ay si dhab ah ula socoto sida uu ku faafayo xannuunku, iyadoo adeegyada caafimaadka ee Cusbitaalada Somaliland yihiin kuwo aad u liita, isla markaana aannay jirin siyaasad qaran oo ku waajahan xannnuunka, sidoo kale aannay ku bauurugsanayn xukuumadda Somaliland dhibaatooyinka dhanka adeegayada caafimaadka ee dalka ka jira iyo halista sii siyaaday ee xannuunka oo aannay wasaaradda Caafimaadku wax tallaabo ah qaadin, marka laga reebo Buugga hab-raaca haggaha caafimaad ee xannuunka, kaas oo si weyn loogu dhaliilalay inuu yahay mid dal kale samaystay oo gabboobay, isla markaana aan ka turtumi karin xaaladda dhabta ah ee Somaliland.
In kasta Dengue ku cusubyahay Somaliland, maaha xannuun ku cusub dunidda, marar baddan ayaa dhinaca Soomaaliya lagu sheegay, balse wuxuu saldhiyo ku leeyahay Dalalka Bariga Fog ee Eeshiya, sida Malaysia, Koonfurta Ameerika iyo meelo kale oo sannad walba uu malaayiin qof nolloshooda galaafto, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in aan wax ka oggaano Xannuunka Xumadda Dengue Iyo Halistiisa ah, sida looga badbaadi karo, sida lagu oggaanayo ee Astaamaha uu leeyahay, ama lagu arko bukaanka, marxaladdaha uu sababo iyo sida looga soo kabto, balse marka hore, waxaynu eegaynaa waxa ay u sibir-saareen khuburada caafimaadku ee dhaliya xannuunka iyo sida uu ku faafo.
Waa maxay Dengue?
Xumadda Dengue waxaa sababa Fayras inta baddan lagu kala qaado qaniinyada kaneecada dhediga ee nooca (Aedes aegypti). Calaamaddaha Dengue waxay u dhexeeyaan ilaa calaamado hargab oo kale ah. Qayb yar oo dadka ka mid ah ayuu ku dhacaa xanuunka daran ee Dengue, kaas oo sababi kari xaalad khatar ah oo gaadhsiisan heer noqon kara dhimasho.
Hase yeeshee sida ay Khuburadu Caafimaadku sheegayaan, waxa jira afar fayras dengue oo xidhiidh dhow la leh, kuwaas oo loo yaqaan (Serotypes dengue). Inkasta oo ka soo kabashada infakshanku ay ka hortagto isla Fayraska (Dengue serotype), balse waxay sidoo kale kordhisaa halista Dengue daran haddii dadku ay hadhow ku qaadaan Serotype kale.
Khuburadda Caafimaadka iyo Hay’adda Caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO, waxay isku raacsan yihiin in xannuunka Dengue yahay cuddurka Fayraskiisa Kaneecadu gudbiso, ama laga qaado, kuwa ugu baahsan adduunka.
Fayraska, ayaa si xawli ah u fida sababtoo ah isbeddelka cimilada, magaalooyinka oo deg-deg ah, iyo korodhka dadweynaha, ayaa door ka qaata, wuxuuna ka mid yahay Cuduradda dillaaca badanaa xilli -roobaadka. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku tilmaamay dengue mid ka mid ah tobanka ugu sarreeya ee khatarta ku ah caafimaadka bulshada.
Sidee loo ogaadaa Dengue?
Infakshanka Dengue waxaa lagu ogaan karaa siyaabo dhowr ah, kuwaas oo dhammaantood u baahan muunad dhiig ah. (Reverse transcriptase–polymerase chain reaction (RT-PCR) waxay si toos ah u ogaataa fayraska waana heerka dahabka; waxaa la isticmaali karaa maalmaha ugu horreeya kaddib caabuqa. Tijaabooyin ogaanshaha degdega ah ayaa sidoo kale la heli karaa, kuwaas oo tijaabiya borotiinka uu soo saaro fayraska loo yaqaan NS1. Hababka serological waxaa loo isticmaali karaa in lagu xaqiijiyo dhawaan qiyaastii 3dii bilood ee la soo dhaafay) ama caabuqa hore, sida ay sheegayaan khuburadu.
Dalalka uu xanuunku aad ugu baddan yahay, ayaa ku hawlan sidii iskaashi caalami ah loola samayn lahaa wadamada dengue-endemic si loo sameeyo daraasado hore oo caafimaad iyo tijaabooyin caafimaad si loo helo daawaynta badbaado, la awoodi karo, iyo waxtarka dengue.
Dad baddan oo bulshada ka mid ah ayaa ku tilmaamay Fayraska Dengue dilaa qarsoon oo si hoose u laynaya dadka, iyadoo ay dhimashadu noqotay mid si weyn looga dareemay xabaalaha iyo xaafaddaha labadii bilood ee u danbeeyay, wallow aan la hayan tirada rasmi ah ee u dhimatay.
Fayraska Dengue oo ku cusub Somaliland, maaha mid si dhab ah bulshadu uga warhayso sida uu ku yimaado, xaaladdaha uu sababo iyo dawooyinka ilaa hadda khuburadu ku talinayaan in la cuno iyo kuwa laga digayo.
Khuburada ayaa sheegaya in ay eegayaan dawooyinka dib loo soo celiyay ama isku darka daroogada iyo sidoo kale raadinta faylalka daawaynta dengue ee horayba ugu jiray horumarka kiliinikada.
Sidaa awgeed macluumaad baddan oo la xidhiidha Fayraska Dangue astaamaha lagu garto iyo khatarta dhimashada sababi karta, oo khuburada caafimaadka ee aduunku kaga hadleen ayaa lagu sharaxay arrimahaa.
Sidee lagu kala qaadaa Dengue?
Qaniinyada cayayaanka: fayraska keena dengue waxaa lagu kala qaadi karaa qaniinyada kaneecada dheddigga ee cudurka qaba ee nooca Aedes aegypti iyo, ilaa xad, nooca Aedes albopictus.
- Hooyada-ilaa-ilamaha: suurtogalka ah in ay hooyadu u gudbiso ilmaha xilliga uurka ama dhalmada
- Kiisaska naadirka ah ee lagu kala qaado iyada oo loo marayo alaabada dhiigga, ku-deeqidda xubnaha, iyo ku shubista
Waa maxay calaamadaha Dengue?
Dengue
Dengue ma yeelan karo calaamado ama keeni karo bukaan fudud oo keliya, laakiin waxa kale oo uu keeni karaa calaamadaha hargabka sida:
- qandho sare (40°C/104°F)
- madax xanuun daran
- xanuunka indhaha xaggooda danbe
- lalabo
- Hungaaco
- Qanjidhada oo barara
- finan
- murqyo xanuun, kalagoysyada oo ku xanuuna, ama lafo xanuun aad u daran oo Dengue ah, isla markaana mararka qaarkood loo yaqaan ‘xummad ‘
Dengue marka uu halista yahay
Dengue daran wuxuu dhacaa marka xididdada dhiiggu ay dhaawacmaan oo ay dilaacaan, iyo tirada platelets (unugyada sameeya xinjirowga) hoos u dhacaan. Natiijo ahaan, dengue wuxuu keeni karaa shoog, dhiig-bax gudaha ah, dhiig ciridka ama sanka, xubnaha oo shaqada gaba, iyo dhimasho. Calaamadaha dengue daran waxaa ka mid ah:
- calool xanuun daran
- matag joogto ah
- Neefsasho degdeg ah
- dhiig ciridka ama sanka ka yimaada.
- Daal tamardaro.
- xaalad degenaansho la’aan ah.
- Beerka oo weynaada.
- dhiig matag ama saxarada oo dhiig soo raaco.
- astaamaha noocaa ah ayaa laga yaabo inay sababan dhimasho.
Waxyaabaha la sameeyo si aad dhakhso uga soo kabato qandhada Dengue
- IIska laali fuuq-bax. Cab cabitaanno badan (biyo, cabitaan (isotonic), casiirka khudradda iyo maraq) si aad u ilaaliso tamarta iyo awooddu in ay kaa lumaan oo aad fuuq-baxdo.
- Xakamaynta calaamadaha. Xumadda iyo kala goysyada xanuunka waxaa lagu nafisi karaa qaadashada paracetamol.
- Iska ilaali dhiig baxa.
- Cuntooyinka la cuno oo aan laga fogaan.
Waa maxay Afarta marxaladood ee qandhada Dengue?
- Dengue wuxuu si lama filaan ah u bilaabmaa kaddib xilliga soo-baxa caadiga ah ee 5-7 maalmood, wuxuuna yeeshaa 3 weji: qandho, halis ah, iyo bogsasho.
Waa maxay daawaynta hadda ee Fyaraska Dengue?
Ma jiraan dawooyin gaar ah oo ka hortag ah oo lagu daweeyo caabuqa Dengue?
Ilaa hadda ma jiraan dawooyin lagaga hortago, balse Acetaminophen ama paracetamol ayaa la qaadan karaa si loo xakameeyo xanuunka murqaha, xanuunka, iyo qandhada. Daawooyinka aan steroidal-ka ahayn ee ka hortagga bararka sida ibuprofen iyo aspirin waa in laga fogaadaa.
Bukaanjiifka cisbitaalka la seexiyay waa in si dhow loola scdaa oo si taxadar leh loo maareeyo qaadashada dheecaankooda, iyadoo la raacayo habraacyo adag. Waddamada laga heli karo ogaanshaha hore iyo daryeelka caafimaadka, heerka dhimashada Dengue ayaa hoos uga dhacay 1%, halka kuwa daryeelkooda caafimaad hooseeyo ay dhimashadu sare u kacday.
Ma jiro Tallaal rasmi ah, balse waxa jira ilaa xilligan Tallaalka hadda la heli karo oo ku xaddidan dadka da’doodu u dhaxayso 9-45 jir ee ugu yaraan hal dhacdo oo hore ugu dhacay caabuqa fayraska dengue, balse waxa dhowaan la qiimayaana dhawr tallaal oo kale si loogaa hortago halista Dengeu.
Marka aannu bukaanadu lahayn doorasho waxyaabaha ku haboon iyo daryeel caafimaad, waxa uu waajahayaa khatarta ah inay dadku ku dhacaan Dengue xun, kaas oo suurtagal ah in ay u dhintaan.
Maxaa daawaynta cusub ee dengue loo baahan yahay?
Daawaynta gaarka ah ee Dengue ayaa loo baahan yahay si loo daweeyo cudurka marxalado kala duwan iyo in la yareeyo khatarta infakshanku u gudbo cudur daran, kaas oo sababa dhimmasho degdeg ah.
Midhaha Khudrada kuwee ugu wanagsan in loo isticmaalo Dengue?
Khuburada Caafimaadka, ayaa ku taliyana in Babaygu uu qani ku yahay fiitamiino, fiber, Zinc iyo folate, sidaa awgeed waxa uu aad ugu fiican yahay caafimaadka. Ku darista Babayga liiska maalinlaha ah ee loogu talagalay dadka qaba qandhada Dengue waxay gacan ka geysan doontaa kordhinta platelets, unugyada dhiiga cad, ka hortagga xinjirowga dhiigga iyo bogsiinta boogaha. maadaama uu Babaygu yahay midho qani ku ah fitamiin E, fitamiin C, fiitamiin K iyo zinc.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com