Araweelo News Network.
#Somaliland: Loollanka Shirgudoonka Iyo Laalluushka Laga Qayliyay
Hargeysa(ANN)-Xarraadada Kaanbaynka loogu jiro kursiga shirgudoonka gollaha wakiillada cusub ee Somaliland ee kusoo baxay doorashadii 31 May 2021, ka qabsoontay Somaliland, ayaa si weyn looga dareemay Magaaladda Hargeysa.
Axsaabta mucaaradka oo helay isu geyn 52 ka mid ah tirada kuraasta gollaha wakiillada oo ka kooban 82 xildhibaan, ayaa sameeyay isbahaysi ay iskaga bahaysanayaan xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, waxayna natiijadda doorashooyinka ee gollayaasha deegaanka dalka iyo gollaha wakiilladu markii ay si ku meel gaadh guddida doorashooyinku u shaaciyeen sameeyeen guddi ka kooban Isbaahysiga ay ku dhawaaqeen labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, iyagoo si cad u sheegay in ay uga gol leeyihiin sidii ay Maayarada degmooyinka iyo shirgudoonka u qaybsan lahaayeen.
Hase yeeshee waxa meel maray ilaa hadda Maayarada Hargeysa, Boorama, Ceergaabo iyo degmooyin kale oo aan ahayn kuwa derejada A, kuwaas oo labada Xisbi mucaarad ku fadhiisteen kuraasta Maayarada, balse Berbera iyo Gebilay, ayaa laga hiray labada xisbi mucaarad, kuwaas oo xukuumaadda oo tuurta ku sidata Xisbigeedu ugu awood sheegatay, wallow Maayar ku xigeenka Berbera laga soo ergaystay xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, isla markaana murrashaxii Xibiga UCID ee Maayarka Berbera u sharxanaa xukuumaddu ugu quus goysaysay, kaddib markii ay kusoo celisay Maayarkii hore ee Berbera Cabdishakuur Ciddin inuu mar kale kusii fadhiisto kursiga.
Fadhiga gollayaasha deegaanka Burco iyo Laascaanood, ayaa dib xukuumaddu u dhigtay, taas oo loo macneeyay mid lagu weetaynayo mucaaradka haysta aqlabiyada, si ay xukuumaaddu u kala tuurto saamiga iyo qorshaha ay ugu qori tuurteen labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, maayarada Burco iyo Laascaanood oo ay haystaan aqlabiyada gollayaasha deegaanka.
Loollanka, ayaa bartilmaameedka ugu weyni yahay marka laga yimaado kuraasta Maayarada sidii loo hantiyi lahaa shirgudoonka cusub ee aan weli gollaha uu kasoo baxayo la shaacin natiijadiisa rasmiga ah, balse natiijada hordhaca ah ee ay shaaciyeen guddidayada doorashooyinka heer gobol shaaciyeen horaantii Jun 2021, liiska aqlabiyada xildhibaanada oo ay dusha u riteen labada Xisbi ee mucaaradka Somaliland.
labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, waxay heleen 52 kursi, iyadoo Xisbiga WADDANI ku hoggaaminayo 31 xildhibaan, halka Xisbiga UCID helay 21 xildhaan, taas oo ka dhigay in ay heleen labada Xisbi Mucaarad tirada guud 52 xildhiaan, halka xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE, ka helay 30 kursi 82 kursi ee gollaha wakiilladu ka koobanyahay.
Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbigeeda KULMIYE, ayaa hore u qorshaystay in shirguddoonka gollaha wakiillada cusub uu noqdo Wasiikii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo xilligan ka mid ah xildhibaanada KULMIYE ee kasoo baxay Gobolka Sool, balse taas waxa barbar socday in xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, ku heshiiyeen in shirgudoonka gollaha wakiillada cusub uu noqdo Cabdirisaaq Khhliif oo ahaa Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ee KULMIYE, xilligana ah xildhibaan kasoo baxay Gobolka Sool oo Xisbiga mucaardka ee WADDANI ka tirsan.
Madaxweyne Biixi, ayaa mar sii horaysay dhowaan markii ay mucaaradka uu tirsanaya guusha doorashada ku dhawaaqeen isbahaysiga iyo in ay doonayan in ay kuraasta qaybsadaan, isla markaana ay soo shaac baxday xiisadda loolanka, wuxuu isagoo shaciga farriin u diraya sheegay in qaabka ay ku dhaammaatay arrinta doorashada Maayarka Caasiamadda hargeysa oo door Odaynimo uu ka muujiyay xukuumad ahaan, Madaxweyne ahaan iyo Xisbi ahaan sidaa si la mid ah ugu bushaareeyay in hawsha shirgudoonka gollaha wakilladuna ku dhammaanay.
Dhawaaqa Madaxweynaha ee Bushaarada uu shacbiga laabta ugu qaboojiyay, kaddib kulan uu la yeeshay xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somalialnd, 13 Jun 2021 , waxa markiiba ka dhashay su’aalo ay dad badan is weydiinayeen oo la xidhiidhay Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa oo xanbaarsan xisbigiisa muxuu dareemay iyo su’aalo kale oo jawaabtoodu laa’layd, iyadoo Madaxweyne Biixi markii uu farriintaa shacbiga u dirayay si cad u balanqaadaay in aannu doonayn sumcada ay xukuumadda uu gadhawadeenka ka yahay iyo qaranka uu hoggaaminayaa ku kasbadeen quluutbta beesha caalamka iyo dunida ee lagu amaanay doorashooyinka aannu doonayn wax gaagixiya guusha qaranka ee kasoo hoyatay doorashooyinka ay Somaliland sida weyn dunidu ugu majeeratay.
“Shacabka waxan ugu bushaaraynayaa sidaan ku talo-galay doorashooyinka hadhay ee maayarada, ku-xigeennadooda iyo xubnaha loo dooran doono shir-guddoonka wakiilladu inay Ilaahay idamkii ku dhammaan doonaan si nabadda iyo sharaftaas iyo walaal qaado iyo adigu qaado, taasaanan ka shaqaynayaa inaynu helno, xisbiyadana taasaan u soo jeedinayaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo shacbiga u diraya bushaaradaa, 13 Jun 2021.
Hase yeeshee, laba maalmood kaddib 15, Jun 2021, Madaxweyne Biixi ka dhawaajiyay loollanka Xukuumaddiisa iyo Xisbiga uu Guddoomiyaha u yahay ee KULMIYE, ugu jiraan hanashada shirgudoonka gollaha Wakiillada cusub ee la doortay 31 Jun 2021, isagoo ka hadlayay Kulan uu qasriga Madaxtooyadda kula yeeshay xildhibaanada uga soo baxay gollaha Wakiillada xisbigiisa KULMIYE.
Madaxweyne Biixi oo ay weheliyeen xubno ka mid ah gollihiisa wasiirrrada, hoggaanka xisbiga iyo Xildhibaanada uga soo baxay Xisbigiisa KULMIYE, doorashada, wuxuu Madaxweyne Biixi oo ku casuumay qasriga madaxtooyadda, isla markaana la fadhiisiyay hoolka shirararka kuraasta gollaha wakiirrada, si badheedh ah u sheegay rabitaanka xukuumadda ee Kursiga shirdoonka gollaha Wakiillada, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay Xildhibaan Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon) oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha Dibbeda Somaliland, balse tartankii doorashada gobolka Sool ee Xisbiga KULMIYE, kasoo baxay, kaas oo sida Madaxweyne Biixi ka dhawaajiyay ay ka go’antahay in lagu garab istaago xukuumad ahaan iyo xisbi ahaan inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee gollaha wakiillada Somaliland ee aan weli la dhaarin.
Arrintaa, ayaa mar kale si weyn usii kicisay loollanka Mucaaradka ee Isbahaysiga iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo isu bahaysatay sidii xoog iyo xoollo iyo xeeladba Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir u noqon lahaa shirguddoonka aan weli la fadhiisin gollihiisa.
Kulanaka Qasriga Madaxtooyadda, ayaa mar kale cabsi geliyay Mucaaradka, isla markaana waxa uu sababay in maalmihii u danbeeyay iyo saacadihii u danbeeyay si weyn loollanka iyo kaanbaynku uga muuqdo masraxa siyaasada, iyadoo shacbiga, qaarkood, Culmida iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta aan ku tirsanayn saddexda xisbi walaac ka muujiyeen sida laysugu xaabbo iyo Biyo dhaansanayo ee xukuumadda iyo axsaabta Mucaadka, taas oo ka mujiyeen walaac hor leh.
Qaar badan oo ka mid ah culimda dalka, gaar ahaan kuwa khadiibyada ka ah Masaajida Caasimadda Hargeysa, ayaa Khudbadihii Jimcaha kusoo qaatay loollanka loogu jiro shirgudoonka, waxayna tilmaameen sida aannay diinta Islaamku u oggolayn in xildhibaanada sita xasaanadda shacbiga soo doortay loogu baayo lacag, si looga iibsado codka, marka la gaadho fadhiga lagu dooranayo shirgudoonka, taas oo ay ku tilmaameen xaarraan maqdac ah iyo wax Allah lagaga fogaanayo.
Mufdiga weyn ee Sheekh Maxamed Cumar Diri ayaa ka mid ahaa culmida arrintaa sida badheedhka ah uga hadashay, wuxuuna tilmaamay dunuubta ka dhalankarta in xildhibaan lasoo doortay iibsado codka oo lacag siisto, isagoo baalmaray Kitaabta iyo dhaarta, isla markaana ku wacad furaya dadkii soo doortay iyo waxa uu abaalkiisu noqonayo ee Allah ugu balanqaaday.
Sidoo kale, Sheekh Siciid Ismaaciil Sokeeye oo ka mid ah Xildhibaannada cusub ee dhawaan loo doortay gollaha Wakiillada, isla markaana ka mid ah Culimada khudbaddii Jimcaha ku soo qaatay kaanbaynka loogu jiro shirgudoonka Golaha Wakiillada, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay doonayso inay laaluushto Xildhibaannada ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah.
“Malaayiin bay maraysaa Laaluushkii, in Cod la iibsado, si Baarlamaankeenii iyo gollayaashii deegaankeena loogu dhiso Xaaraan, iyadoo la leeyahay waxaas baa lagu siinayaa ee Codka na sii, wuxuuna ka digay in lacagta laga qaado dadka masaakiinta ah ee shacbiga wax loogu qabto oo aan loo adeegsan laaluush iyo fasahaad diinta Islaamku si cad uga hadashay oo ku cad Aayaatka Allah iyo Axaadiista rasuulkii suubanaa Nabagelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee”ayuu yidhi, Sheekh Siciid Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee lasoo doortay 31 May 2021.
Arrintan, waxa sidoo kale, ka digay Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka mid ah xubnaha gollaha Wakiillada cusub ee ka soo baxay Gobolka Sanaag, “Xildhibaannadii doorashadooda dhibka loo soo maray goormay la mid noqdeen Xoollaha daabaxa ah ee Sayladda taagan.” Ayuu yidhi,
Waa arrin ceebaynaysa doorashadii wanaagsanayd ee inoo dhacday,” ayuu raaciyay Xildhibaan Khadar Kiin, wuxuuna sidaa u sheegay Telefiishanka SAHAN, isagoo xusay in loo soo bandhigay lacag, si uu Codkiisa u siiyo Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah xildhibaanka KULMIYE, ee Madaxweyne iyo xukuumaddiisu sida badheedhka ah ugu muujiyeen kulankii qasriga Madaxtooyadda ee xildhibaanada KULMIYE, in xoog iyo xoollaba laysku garab taagayo si uu Faratoon ugu fadhiisto kursiga shirguddoonka gollaha cusub ee Wakiillada Somaliland.
Natiijadda Doorashooyinka ka qabsoomay Somaliland, ayaa si guud aqlabiyad u siiyay labada xisbi mucaarad, taas muujisay tabashooyinka shacbiga iyo in ay dhawrkii sannadood u danbeeyay tebayeen isu dheelitir la’aanta awooddda oo dhinac keliya oo waaxda fulinta ee xukuumadda u jan-jeedhay, isla markaana habayac ka dhigtay nidaamka dawliga ah iyo waxqabadkii laga sugayay oo meesha ka baxay.
Balse natiijadda doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo wakiillada, waxay shacbigu codkooda ku muujiyeen farriin isbedel doon ah, sidaa awgeed isbaahysiga labada xisbi mucaarad waxay u arkaan istiraatiijiyad siyaasadeed oo dheeeli tirtay awoodda sharci ee gollaha wakiillada iyo nidaamka dimuqraadiyada Somaliland.
Dareenka natiijadda ayaa noqday mid si cad u muujinaya in ay laga maarmaan tahay in la helo waaxda fulinta oo xukuumadda ah golle dheelatira oo sharci dejin ah, isla markaana la yimaada la xisaabtan, sida uu dastuurku dhigayo oo ugu yaraan saddexda waaxood e sharci dejinta (Baarlamaanka oo guurtida iyo Wakiilllada ah), garsoorka iyo fulinta ay waaxda fulinta ee xukuumadda u garbaduubmeen Guurtida ay qayb ka ah sharci dejinta iyo waaxda garsooka, iyadoo si weyn loo arkayay in wixii ka horreeyay doorashada in dalku noqday xisbi keliya, taas oo loo arkayay mid khatar ku ah nidaamka dimuqraadiyeed ee ay Somaliland qaadatay iyo isu dheelitirnaanta Awooddaha nidaamka dawladnimo ee dastuurki qeexay oo meesha kasii baxayay, waana dareenka dhabta ah ee ku ladhnaa doorashooyinka xilligan ee ay si weyn dadku ugu soo baxeen., isla markaana natiijadoodu horseeday in ay mucaaradku helaan aqlabiyadaha gollayaasha deegaanada iyo wakiilllada, wallow ay dhawrayaan sida u meelmariyaan rajada iyo yididiilada oo ay shacabku u dhegtaagayaan, isla markaana indhaha ku hayaan xildhibaanada la doortay halka ay ku danbeeyaan.
Hase yeeshee dhawaaqyada qaylada ah ee culimada iyo qaar ka mid ah xubnaha xildhibaanada la doortay ee ku qaylinaya wararka dhiilada ah ee kusoo dhacaya dheggaha shacabka iyo dhaq-dhaqaaqyada lala xidhiidhiyay xukuumadda iyo xisbigeeda waxay dhammaan arrimahaasi u muuqdaan kuwo dhaawacaya, sharafta iyo karaamada qaranka, isla markaana si weyn waxyeelo ugu noqonaya quluubta shacbiga oo meesha ka saaraya sumcadii iyo karaamadii ay Somalialnd ku kasbatay doorashooyinka kusoo jeediyay idhanaha iyo dhegaha beesha caalamka, iyadoo dhinaca kale muujinayaan arrimahani kuwo sawir xun oo soo jiidaya qaranka oo sumac xumo iyo raadad foolxun ku yeesha qaranka Somaliland ee lagu amaanay dimuqraadiyadda iyo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 31 May 2021,
Si kastaba ahaatee, waxa arrintan ay noqonaysaa mid ay shacbiga iyo dunida sida weyn ula socotay doorashooyinka Somaliland ay indhaha ku hayaan, isla markaana waxay jirabaad ku noqonayaan gollaha wakiillada ee cusub iyo qaabka ay uga badbaadaan waxayaabaha kasoo baxay loolanak shirgudoonka iyo sida ay uga badheedhaan in ay damiirkooda iyo dadnimadooda iibsadaan durba, iyadoo ay u dhegtaagayaan sahcbigii maalinta dhan cadceeda u taagnaa ee kusoo saaray codkooda si ay masiirkooda u xanbaarsaan oo ay noqdaan kuwo la xisaabtama xukuumadda oo garta waajibaadka iyomasuuliyadda lagu aamninay ee ammaanada iyo in ay noqdaan kuwo damiirkodoa durba la iibsado oo horseeda raja xumo iyo guuldaro shacbigu qoomameeyaan, sidaana ku qaadaan dariiqa ay ka digayaan culimadu ee fasahaadka iyo baadilka oo ay xaqa kaga leexdaan, waxaase la dhawrayaa halka ay ku gororaan mawjadaha kaanbaynka iyo laaluuska ay ka digayaan xildhibaanada qaarkood iyo culimadu ee kursiga shirgudoonka gollaha wakiillada Somaliland.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com