X
    Categories: Warar

Somaliland Dhakhtar Daadafeeyay Mishiinka Sheybaadhka Coronavirus Uguna Baaqay Xukuumadda In Ay Mishiinka Laftiisa Shaybaadh Ku Samayso

Hargeysa(ANN)-Dr. Cabdirisaaq Cismaan gaboobe oo ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland, ayaa sheegay in aan laysku halayn karin mishiinka Sheybaadhka ee dhowaan ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland diyaarisay si loogu baadho kiisaska la doonayo in la xaqiijiyo ee xannuunka Coronavirus.

Dr. Gaboobe, wuxuu sheegay in Mishiinkii baadhitaanka Coronavirus ee P-T PCR, (Real-Time Polymerase Chain Reaction), aannu ahayn mid si dhab ah loogu oggaanayo marka lagu baadho dheecaanada laga qaado qofka inuu qabo COVID-19 iyo inuu ka fayawyahay xannuunkaa. Sidaa awgeed aan laysku halayn karin, wuxuuna soo jeediyay in mishiinka Sheybaadhka oo aan waxba ka duwanayn baadhtinaadii hore loogu samayn jiray sheybaadhada Somaliland ee natiijada khaldan soo soo saari jiray waxba ka duwayn.

AKHRI: Xukuumadda Tansaaniya Oo Fashilisay Sirta Ku Duuggan Shaybaadhka Coronavirus

Sidaa awgeed wuxuu soo jeediyay Dr. Gaboobe in mishiinka laftiisa lagu sameeyo baadhitaan, sida ay dhiwaan samaysay xukuumadda dalka Tansaaniya, kadib markii Madaxweynaha Tansaaniya, John Magufuli uu su’aal galiyay saxsanaanta baadhitaano tijaabo ah oo lagu sameeyay sheybaadhka COVID-19, kuwaas oo natiijadii kasoo baxday fashilisay in la rumaysto jawaabaha kasoo baxa shaybaadhka.

Dawladda Tansaaniya, ayaa ku tijaabisay shaybaadhka lagu oggaado cuddurka Coronavirus, dhiig laga qaaday Adhi, Xayawaano kale iyo waxyaabo kale oo dareere ah sida Saliida Baabuurta iyo dheecaanka Babayga khudrada ah ee la cuno, taas oo natiijada kasoo baxday sheybaadhka lagu baadhayay xannuunka COVID-19, ay dhalisay shaki weyn , isla markaana si lama filaan ah meesha uga saartay in lagu go’aan qaato jawaabaha sheybaadhka.

READ: Madagascar launches Africas first cure for Coronavirus
Madaxweynaha John Magufuli oo si qarsoodi ah u baadhay xayawaan, midho iyo saliida baabuurta sheybaadhka. digaag, deero iyo Adhi waxaana laga helay xannuunka Coronavirus, (resulted in positive coronavirus COVID0-19)- sida uu sheegay madaxweynaha dalka Tansaaniya ee ku yaal Afrikada Bari.

Sidaa awgeed Dr. Gaboobe, wuxuu sheegay in arrintan la hubiyo oo mishiinka lagu tijaabiyo waxyaabo kale, sida ay samaysay Tansaaniya, waxa kale oo uu sheegay in dawadda xannnuunka Coronavirus uu helay dalka Madagascar oo dalalka Afrika ku siinaya bilaash, taas oo sida uu sheegay loo baahanyahay in xukuumadda Somaliland ka faa’idaysato oo dadka u doonto dawaddaa oo sida uu sheegay si weyn laysula qaatay.

Dr. Gaboobe, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay waraysi uu siiyay Telefishanka EryalTv. Halkan ka Daawo



admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post