X

Somaliland: Dareenka Bulshada Iyo Doorka Mashaariicda Caafimaadka Ee Wasaaradda Maaliyadda

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Qaar ka mid ah Bulshada Somaliland ee addeegyada caafimaad u doonta goobaha caafimaadka ee dawladda, ayaa ka dareen celiyay sida ay addeegyadu wax uga tareen baahida caafimaad.

Mid ka mid ah Dhismayaasha Goobaha Caafimaadka ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ka fulisay Miisaaniyadda Qaranka, Image, Araweelo News Network.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa ka fulisay miisaaniyadda Qaranka mashaariic dhismayaal goobo caafimaad iyo weliba qalabayn casri ah, waxayna ka warbixiyeen qaar ka mid ah Bulshadu addeegyada ay ka helaan goobahaa iyo sida wax uga beddeleen baahidii loo qabay.

Dhismayaasha iyo dayactirka lagu sameeyay goobaha caafimaad sida xarumo caafimaad iyo qaybo cusbtaalo ah oo la dhisay iyo kuwo dib u habayn lagu sameeyay, isla markaana la qalbeeyay.

Sidoo kale, waxaa kor loo qaaday tababarka shaqaalaha Caafimaadka si kor loogu qaado aqoontooda dhinaca adeegsiga qalabka iyo baadhitaanada bukaanka loo samaynayo.

Goobahaa Caafimaad ee Wasaaradda Maaliyaddu ka maalgelisay miisaanida qaranka iyo sida ay dadweynaha u tegey gargaarka caafimaad uga falceliyeen addeegyada loo qabtay oo ay sheegeen in ay wax weyn ka tareen baahiyihii jiray waxay kaga hadleen muuqaalkan hoose.

Waxa kale oo arrimahaa ka hadlay saraakiisha caafimaadka iyo shaqaalaha qaarkood oo ka warbixiyay isbedelka lagu sameeyay cusbitaalada iyo goobaha kale ee caafimaadka iyo sida ay addeegyadu u noqdeen kuwo dadweynaha caafimaadkooda wax ka tara.

Mashaariicda Caafmaadka ee laga fuliyay miisaaniyadda Qaranka halkan ka daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post