X
    Categories: Warar

“Somaliland: Dal Budhcad Badeeda ka Caagan oo Dimuqraadiyadiisu Shabahdo reer Galbeedka”Geoffrey Clarfield

Araweelo News Network

The port development could improve Somaliland’s international standing.

Toronto(ANN)- Aqoonyahan Geoffrey Clarfield, oo u dhashay waddanka Canada, ayaa ku ammaanay dimuqraadiyadda iyo dawladnimada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay “dal dimuqraadiyadiisu u dhowdahay kuwa dalalka reer galbeedka oo aan haddana haysanin aqoonsi
caalamiya.” Geoffrey Clarfield.

Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa ka soo xigatay wargeyska National Post xalay warbixinta Geoffrey Clarfield oo ah aqoon-yahan ku takhakhusay cilmi nafsiga oo muddo dheer ka soo shaqeeyey Afrika, bariga dhexe iyo Asia, waxaanu iftiimiyey in Somaliland tahay waddan ku yaalla Geeska Afrika oo xeebtiisu ka caagan tahay budhcad baddeeda, waxaanu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka jirto xasilooni buuxda, dawlad iyo goleyaal la doortay isla markaana dimuqraadiyadeedu tahay mid buuxda oo shabahda kuwa dalalka dunida reer galbeedka.

Geoffrey Clarfield wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay si weyn uga duwan tahay Soomaaliya oo ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay, waxaanu dawladda Soomaaliya ku masaalay mid aan xataa awoodin inay wada xukunto magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeeda.

Sidoo kale waxa uu xusay in Somaliland aqoonsi ka raadinayso beesha caalamka oo lagu tixgeliyo dimuqraadiyada iyo la dagaalanka budhcad baddeeda.

Geoffrey Clarfield waxa uu sheegay haddii dawladda Canada ay aqoonsan waydo Somaliland inay tallaabadaasi waxyeelo ku tahay masaalixda Canada, isla markaana ay la mid noqon doonto laba wejiilenimada boqortooyooyinka adduunka oo dunida soo koraysa ku dhiirigeliya ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiyada, marka la hirgeliyana aan wax taageero ah ku bixin arrintaas.

Solnanews.com

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post