X

“Somaliland Dadkeedii Waxaan u Hubaynay, Waddani ahaan, Tacliin ahaan Diin”Madaxweyne Biixi

Wiil ka mid ah Ardayda loo qabtay munaasibadda ee Baratay Waddaniyada iyo Dastuurka dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qosliyay Madaxweyne Biixi, Image Araweelo News Network, 11 May 2022, Jaamacadda Hargeysa.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jebinayeen  Arday tiradoodu dhan tahay 3,000  (Saddex kun) oo ahaa dufcaddii koowaad ee baratay  Dastuurka iyo Waddaniyadda dalka, kuwaas oo ay gacanta ku haysay wasaaradda Xidhiidhka gollayaasha iyo Dastuurku.

Munaasibad loo qabtay Ardaty Baratay Waddaniyada iyo Dastuurka dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland, Image Araweelo News Network, 11 May 2022, Jaamacadda Hargeysa.

Munaasibad ballaadhan oo lagu gudoonsiinayay Aryada shahaadooyin, ayaa Arbacadii maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Hargeysa.

 Madaxweyne Biixi, waxa kala qaybgalay munaasibadda guddoomiyaha gollaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda Jaamacaddaha kala duwan ee dalka, siyaasiyiin, aqoonyahan, haldoor kale oo bulshada ah iyo marti-sharaf kale.

Munaasibadda, ayaa lagu soo bandhigay khudbado salka ku haya muhiimadda ay leedahay barashada Dastuurka dalka iyo waddaniyaddu.

Agaasimaha guud  ee wasaaradda xidhiidhka gollayaasha Dastuurka, Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo munaasibadda daah-furtay, ayaa si qoto dheer u sharraxday muhiimadda ay qaranka ugu fadhido in da’yarta lagu ababiyo barashada Dastuurka iyo waddaniyadda iyo kaalinta ay wasaaraddu ka ciyaartay sidii uu tacabkani maanta u midho dhali lahaa.

Qaar kamid ah haldoorka Somaliland ee lagu tixgeliyo aqoonta oo ay ka mid yihiin Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo guddoomiyaha guddida tacliinta sare, Prof. Saleebaan Cabdi Dirir oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay muhiimadda ay leedahay in dal waliba da’yartiisa ku canqariyo qiimaha waddaniyaddu leedahay, fahan buuxana ka yeeshaan Dastuurkooda, iyaga oo bogaadiyay ardayda tirada badan ee maanta qalinjebisay.

Sidoo kale, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha qaranka Somaliland u qaabilsan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa dhankeeda guul qaran ku tilmaantay in maanta la helay tiro intaas le’eg oo ka mid ah dhallinyarada dalka, kuwaas oo baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda oo qiimo weyn leh.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka gollayaasha iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah u bogaadiyey dhallinyarada baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda, isaga oo ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan geliyeen sidii ay da’yartani  halkan usoo gaadhi lahaayeen, wuxuuna ku faanay in ay soo saareen dhallinyaro maanta ka dheregsan qiimaha waddaniyadda iyo macnaha Dastuurkaba.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gollaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa isaguna bogaadiyay dhallinyarada baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda, wuxuuna sidoo kale masuuliyadda wasaaradda Xidhiidhka gollayaasha iyo Dastuurkana ku bogaadiyey tallaabada ay hore u qaadeen iyo sida ay tacabka ay dhallinyarada dalka kaga dhigayaan muwaaddiniin faham buuxa ka haysta Dastuurkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo gunaanadkii munaasibadda ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan isugu jira, ayaa ardayda qalinjebisay ku bogaadiyay waqtiga ay geliyeen sidii ay u baran lahaayeen dastuurka dalkooda, una fahmi lahaayeen qiimaha waddaniyadda, isaga oo masuuliyiinta wasaaraddana ku ammaanay horumarka ay sameeyeen.

,“Dhallinyarada waddaniyadda baratay, waan idin hambalyaynayaa, waan idiin ducaynayaa, waan idinku dhaadanayaa, haddii aanu odayaashii nahayna waxannu aaminsannahay inaanu Somaliland dadkeedii u hubaynay aqoon ahaan, waddani ahaan iyo tacliin ahaan iyo diin ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibadda ayuu Madaxweynuhu markaa kaddib shahaadooyin ku guddoonsiiyey tiro kamid ah ardayda maanta qalinjebisay, kuwaas oo muddo lasoo barayay Dastuurka iyo waddaniyadda, waana mawduucii ugu horeeyay ee tiro intaas leeg oo si dhab ah loogu tababaray waddaniyada iyo Dastuurka loo qabto munasibad, ama ay dhacdoba in ka baddan soddon sannadood oo ay Somaliland jirtay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post