X

#Somaliland: Dablayda Gacan-Libaax Oo Wareejiyay Gaadhigii Ay Ka Dhaceen Dhoqoshay

#Araweelo_News_Network.

 

Burco(ANN)-Dablayda gacanta ku haysay gaadhigii ay ka dhaceen shalay duleedka degmada Dhoqoshay ee ay lahayd wasaaradda Biyaha Somaliland, ayaa maanta lagu wareejiyay Odayaasha iyo Salaadiinta Beesha Habarjeclo, kaddib markii Guddida Beelaha Garxajis ay ku qanciyeen dablayda in gaadhigaa loo celiyo deegaankii laga dhacay.

Suldaan Cadda-gude oo lagu wareejinayo furaha Gaadhiga Wasaaradda Biyaha Somaliland, Go’ada weyn 11 Sep 2023, Image Araweelo News Network.

Suldaan Cadda-gude oo hoggaaminayay Odayaal, Saladiin, waxgarad, xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaamada ay kasoo jeedaan dablayda ku urursan Buurta Gacan-Libaax ee Garxajis, kuwaas oo wadahadalka ay la galeen dablayda ku qanciyay ugu danbayntii soo celiyaan gaadhigaa.

Gaadhiga, oo furihiisa lagu wareejiyay Suldaan Cadda-gude , si uu Guddida iyo Salaadiinta Habarjeclo ugu wareejiyo, waxaana maanta si rasmi ah loo geeyay Burco, iyadoo la geynayo deegaankii laga dhacay ee Dhoqoshay oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Gaadhiga Wasaaradda Biyaha Somaliland, Go’ada weyn 11 Sep 2023, Image Araweelo News Network.

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo uu socday heshiis lagu soo afjarayo Khilaafka ka taaagnaa Doorashooyinka, kaas oo waxyaabaha lagu xusay heshiiskaa ay ka mid ahayd  i cafis xukuumadda Somaliland u fidisay dablayda, balse Afhayeenka Xisbiga KLULMIYE, Buuni ayaa weedho uu kaga hadlay arrintan markii ay Wasaaradda Arrimaha Guddaha soo saartay cafiska dablaydaa, isagoo ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, taas oo damaqday nabaradii la dhayay ee xalinta khilaafka.

Dablayda ayaa hore u dhacay gaadiid ay leedahay dawladda Somaliland, kuwaas oo weli gacantooda ku jira, isla markaana weli waxa muuqata in dablaydu aannay weli dhankooda fulin heshiiska qaybtooda oo dusha u riteen Odayaasha iyo Guddida Beelaha Garxajis, kuwaas oo ay weli ka war sugayaan Odayaasha, Salaadiinta iyo Guddida Beelaha Habarjeclo ee soo saaray qodobada heshiiska doorashooyinka iyo dablayda Gacan-Libaax.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post