#Araweelo_News_Network.
Burco(ANN)-Dablayda gacanta ku haysay gaadhigii ay ka dhaceen shalay duleedka degmada Dhoqoshay ee ay lahayd wasaaradda Biyaha Somaliland, ayaa maanta lagu wareejiyay Odayaasha iyo Salaadiinta Beesha Habarjeclo, kaddib markii Guddida Beelaha Garxajis ay ku qanciyeen dablayda in gaadhigaa loo celiyo deegaankii laga dhacay.
Suldaan Cadda-gude oo hoggaaminayay Odayaal, Saladiin, waxgarad, xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaamada ay kasoo jeedaan dablayda ku urursan Buurta Gacan-Libaax ee Garxajis, kuwaas oo wadahadalka ay la galeen dablayda ku qanciyay ugu danbayntii soo celiyaan gaadhigaa.
Gaadhiga, oo furihiisa lagu wareejiyay Suldaan Cadda-gude , si uu Guddida iyo Salaadiinta Habarjeclo ugu wareejiyo, waxaana maanta si rasmi ah loo geeyay Burco, iyadoo la geynayo deegaankii laga dhacay ee Dhoqoshay oo ka tirsan gobolka Togdheer.
Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo uu socday heshiis lagu soo afjarayo Khilaafka ka taaagnaa Doorashooyinka, kaas oo waxyaabaha lagu xusay heshiiskaa ay ka mid ahayd i cafis xukuumadda Somaliland u fidisay dablayda, balse Afhayeenka Xisbiga KLULMIYE, Buuni ayaa weedho uu kaga hadlay arrintan markii ay Wasaaradda Arrimaha Guddaha soo saartay cafiska dablaydaa, isagoo ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, taas oo damaqday nabaradii la dhayay ee xalinta khilaafka.
Dablayda ayaa hore u dhacay gaadiid ay leedahay dawladda Somaliland, kuwaas oo weli gacantooda ku jira, isla markaana weli waxa muuqata in dablaydu aannay weli dhankooda fulin heshiiska qaybtooda oo dusha u riteen Odayaasha iyo Guddida Beelaha Garxajis, kuwaas oo ay weli ka war sugayaan Odayaasha, Salaadiinta iyo Guddida Beelaha Habarjeclo ee soo saaray qodobada heshiiska doorashooyinka iyo dablayda Gacan-Libaax.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com