X
    Categories: Warar

Somaliland: Culimo Fatwo Kasoo Saartay Sallaaddaha Jammaca Ah Ee Masaajidada Lagu Tukanayo Xilligan Xannuunka Coronavirus Sii Kordhay

Sheekh Cabdirisaaq Albaani

Hargeysa(ANN)-Culimada waaweyn ee Somaliland qaarkood oo maanta kula hadlay Warbaahinta Barxda Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Magaalada Hargeysa, ayaa ugu baaqay Bulshada in ay salaadaha ku tukadaan gurahooda, maadaama ay xaaladda faafitaanka Coronavirus korodhay.

Sheekh Cabdirisaaq Albaani oo warbaahinta u akhriyay go’aamada kasoo baxay kulamadii ay yeesheen Culimada ayaa sheegay in markii ay caddaatay in xannuunku ku faafayo Bulshada oo dad badan laga helay markii la baadhay, isla markaana dad badan u dhinteen, sidaa awgeed waxa uu sheegay in ay bulshadu joojiyaan goobaha lagu kulmo ee maqaaxiyaha, sariibadaha, goobaha caafimaadka iyo goobaha Cibaadada, sidaa awgeed dadka ay u bannaan tahay in ay guryohooda ku tukadaan.

Sheekh Cabdirisaaq Albaani oo ku hadlayay afka culmida, ayaa ugu baaqay Bulshadu in ay joojiyaan goobaha lagu kulmo, marka laga reebo wixii lagama maarmaan ah, isla markaana ay u dhaqmaan qaab u adeegaya caafimaadkooda.

Sh. Albaani, wuxuu sheegay in arrintaasi ay ka mid tahay feejignaanta iyo is ilaalinta ay shareecadu farayso islaamka ee Nebi Maxamed CSW, laga soo weriyay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofka xannuunka isaga shakiyaa aannu dadka dhexgelin oo naftiisa isu karantiimeeyo, iyadoo uu xusay in qofka xannuunka qaba ee dadka dhexgalaa ku denbaabayo.

Sh. Cabdirisaaq Albaani, wuxuu soo qaatay Aayado iyo Axaadiis uu sharaxaadooda ku arooriyay xaaladda xilligan ee cabsida laga qabo inuu xannuunku ku faafo bulshada, sidaa awgeed ay culimo ahaan soo saareen fatwada dadka loogu sheegayo in dadku guryohooda ku tukadaan salaadaha faralka, Taajudka iyo taraawiixda.

Sheekh Albaani oo ka hadlaya Fatwada ay soo saareen Culimada ee uu kaga arrimahaa iyo xaaladda xilligan ee COVID-19, halkan ka daawo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post