X
    Categories: Warar

Somaliland: Culimada Oo Masjidada Salaadii Jimcaha Kaga Hadlay Dhacdadii Murugada Badnayd Ee Tahriibta

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Qaar badan oo ka mid ah Culimada Khadiibyada ka ah Masjidada waaweyn ee Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeysa, ayaa ka hadlay dhacdadii ugu danbaysay ee ay ku nafwaayeen in ka badan 400 (Afar Boqol oo qof) kuwaas oo 200 (laba boqol) oo ka mid ahaa u dhasheen Somaliland.

Dhacdadan oo ahayd mid Somaliland si weyn looga dareemay, isla markaana sababtay inay Barroorta iyo Murugadu is qabsato Magaalooyinka Hargeysa, Burco ilaa Ceergaabo, waxay ahayd mid si weyn shacbiga Somaliland u xanuujisay, isla markaana ay ka dhasheen doodo baddan, iyadoo doodaha qaar ku eedeeyeen xukuumadda Somaliland inay sabab u tahay inay dhalinyaradu door bidaan inay dayac iyo darxumo ugu dhintaan Saxaraha iyo Badda Mediterranea.
Hase yeeshee Culimada, ayaa intooda baddan ku canaantay dhibaatada Tahriibta Dhalinyarada iyo Waalidiintooda, “Waxa Faaruq noqotay Quluubtooda, waxay ku haligayaan naftooda saxaraha iyo Badda, waxay ku socdaan dulinimo iyo inay ku noolaadaan darxumo, iyagoo nacay dalkooda, waxayna haligayaan nafohooda” Sidaa waxa yidhi Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahin oo ka mid ah culimada waaweyn ee Hargeysa.
Sheekhu, wuxuu tusaale usoo qaatay dhibaatadii soo martay Nebi Maxamed iyo asxaabtii Rasuulka CSW, isagoo sheegay in loo baahanyahay in loo samro dalka oo la aamino, balse aanay guul keenayn in saxaraha iyo badda lagu biimeeyo nafta.
“Islaamka waxa looga baahanyahay samir iyo Iimaan, waa wax lala yaaboo in dhalinyaradii iska dhaadhiciyeen in aan dalkoodu horumar mustaqbal iyo rajo lahayn, waxay kaxaysanayaan qaarkood walaalohood, kuwa kale caruurtoodii, ayay kaxaysanayaan, kuwo kalena xaasaskoodii, kuwo kalena way ka tegeyaaan ubadkoodii, waxayna naftooda biimaynayaan iyagoo aan garanayn wax ka horeeya, waxa loo baahan yahay in dalka la aamino ee aan layska dhaadhicin in beenta ah inaan dalka waxba ool” ayuu yidhi Sheekh Almis oo Jimcihii Khudbad ka jeedinayay Masjidka Al-xoriya ee badhatamaha magaalada Hargeysa.

sidoo kale waxa dhacdadaa ka hadlay qaar kale oo ka mid ah Culimada Somaliland, kuwaas oo dhamaantood khudbadihii Jimcaha kusoo qaatay dhacdadaa xanuunka badnayd ee sida weyn looga dareemay Somaliland, balse qaar baddan oo ka mid ah Culimada, ayaa dhibaatada sabab uga dhigay hoggaan xumo iyo dawlad-xumo Somaliland dishooday, isla markaana waxay xuseen in shaqo la’aanta, qorshe la’aanta cadaaladdarada eexda iyo musuq-maasuqu yihiin sababta ugu weyn ee dhalinyaradu u qaxayaan ee ay dalkooda uga cararayaan, waxayna ku dhaliileen xukuumadda inay awoodi weyday inay hakiso dhalinyarada sida hirarka u socda.

Dhacdadan u danbaysay ayaa timi Kadib markii ay qalibantay doonidii ay saarnaayeen, in ka baddan 400 qof oo tiro kor u dhaafay laba boqol oo dhalinyaro u dhashay Somaliland ku haligmeen badda Mediterranean-ka taasoo ka anbabaxay xeebaha dalka Masar, isla markaana usii jeeday dhinaca xeebaha dalka Talyaaniga, balse masiibadu la kulantay intii ay ku guda jireen safarka badda Mediterranean, iyadoo tiro gaadhaysa 37 qof keliya laga badbaadiyay, kuwaas dhinaca dalka Giriiga.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post