X
    Categories: Warar

Somaliland: COVID-19, Oo Ku Faafaya Bulshada Iyo Tiradii U Danbaysay Ee La Shaaciyay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa shaacisay in ay korodhay tirada dadka laga helay Xannuunka Covid-19, isla markaana 24kii saacadood ee u danbeeyay la diiwaan geliyay 29, taas oo kor u qaaday tirada dadka xannuunka qaba ee lagu arkay Somaliland.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbixinta maalinlaha ah siinayay warbaahinta, ayaa sheegay in ay sidoo kale korodhay tirada dhimashada oo ay ku biireen 2 Qof oo xannuunka u geeriyooday.

Dr, Xergeeye, ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka Covid-19 guud ahaan ku sheegay in dadka xannuunka laga helay gudaha Somaliland ay guud ahaan noqonayaan 413 Qof.

Dhinaca kale, Dr. Xergeeye, ayaa sheegay in dadka dhintay ee ay diiwaan geliyeen guud ahaa noqonayaan 24 Qof, halka ay ay xannuunka ka bogasadeen 5 qof, taas oo tirada guud ee dadka xannuunka ka soo kabtay kadhigaysa 62 Qof.

Dadka laga helo xannuunaka ayaa ah kuwo iskood u tagga xarumaha caafimaadka iyo Cusbitaalada marka ay isku arkaan calaamaddaha, balse ma jirto baadhis guud ahaan lagu sameeyay Bulshada, waxayna tirooyinka maalin maalinta ka danbaysa noqonayaan kuwo kordhaya, taas oo muujinay in xannuunku ku faafayo Bulshada,

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post