X
    Categories: Warar

Somaliland: COVID-19, Oo Kordhay Magaalooyinka Hargeysa Iyo Burco

Hargeysa(ANN)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in 23 qof oo ay maanta shaaciyeen laga helay xannuunka, kadib markii 110 qof oo lasoo xidhiidhay Cusbitaalka si looga baadho xannuunka laga helay, taas oo tirada guud ee dadka xannuunka laga helay oo muujinay in xannuunku kor u kacay, isla markaana ay kordhayso tirada dadka laga helayaa.

Dadka laga helay cuddurka oo ahaa kuwo iska shakiyay markii ay isku arkeen calaamadaha, isla markaana lasoo xidhiidhay, waxay isugu jiraan 23 haween ah iyo 6 Haween ah,  taas oo tirada guud ka dhigaysa 286 qof.

 

 

Sida uu sheegay Dr, Xergeeye oo maanta Warbixinta maalinlaha ah siinayay Warbaahinta, oo ka hadlayay Baadhitaanada Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee xannuunka COVID-19, wuxuu muujiyay in cuddurku si hoose ugu faafayo Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale magaalada Burco, marka loo eego magaalooyinka kale ee dalka, walaw aannu jirin baadhitaan ka baxsan  dadka iskood u imanaya Cusbitaalka.

 

Dr. Xergeeye, waxa uu sheegay in dadka kasoo kabtay ee ka bogsaday ayk kusoo kordheen 5 qof, taas oo tirada dadka kasoo kabtay ee ka bogsaday ka dhigaysa 33 qof, halka Qof dumar ah ay magaalada Hargeysa ugu geeriyootay Xanuunka Covid-19, taas oo tirada Dadka Xanuunku u dhintay ee Somaliland ka dhigaysa 19 Qof.

Dr. Xergeyee, ayaa sidoo kale sheegay in tirada Guud ee dadka goobaha Caafimaadka u tagay baadhitaanka Xannuunka gaadhayaan  1192 qof , kuwaas oo 286 ka mid ahi laga helay, taas oo cel-celis ahaan noqonaysa in Boqolkiiba 24% dadka la baadhay laga helay xannuunka.,

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post