X
    Categories: Warar

Somaliland: Cirka Oo Rajo Muujiyay Saaka

Araweelo News Network


Hargysa(ANN) Somaliland waxa saaka si weyn isu be delay muuqaalka Cirka, iyadoo daruuro isku shaqleen cirka oo rajo muujiyay saaka.

Daruuro fulux daadinaya, ayaa qariyay cirka, waxaana la waayay cadceedii, taas oo jawiga ka dhigtay mid macaan oo dadku xiisaynayaan, isla markaana waxa isbedelka jawiga iyo Cimiladu rajo iyo yididiilo geliyeen Bulshada Somaliland oo maalmihii u danbeeyay laga qaylinayay Abaar iyo Biyo la’aan. kadib markii la waayay raxmaadkii Dayrta ee Jiilaalku dheeraaday sanadkan.

Deegaamada Woqooyiga iyo Koonfurta Hargeysa, ayaa ahaa meelaha dadka iyo xoolaha aad looga dayrinayay todobaadyadii u danbeeyay, balse is bedelka Cimilada ee saaka iyo daruuraha Cirka isku shaqlay ee daadinayay Fuluxa iyo tumayga shuuxa ah, ayas qooyay dhulka meelaha qaar, gaar ahaan deegaaada Woqooyiga iyo Koonfurta Iyo sidoo kale galbeedka dhinaca deegaanka Awdal iyo Saylac oo Abaar ba’ani ka jirtay, ayaa la saadaalianayaa inay horseed u noqdaan roobab iyo raxmad xagga Ilaahay laga fisho maalmaha iyo saacadaha soo socda.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post