X

“Somaliland Caddaadis Dublamaasiyadeed iyo Siyaasad Gacan-marroojin ah kuma imannayso,”Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, 22 December 2020, Muqdisho, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somaliland@Caddaadis Dublamaasiyadeed iyo Siyaasad Gacan-marroojin ah kuma imannayso, Eeg China iyo Taiwan” Xasan Sheekh. Madaxweynihii hore ee #Soomaaliya

Muqdisho(ANN)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa ka digay siyaasada ay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo u adeegsato Somaliland, taas oo uu sheegay in aannay waxba soo kordhinayn ee ay sii fogaynay Somaliland.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, wuxuu tusaale usoo qaatay dalka China awoodda uu leeyahay dhaqaale ahaan iyo Millateri ahaan iyo sida uu isagoo ka mid ah shanta dal ee aduunka leh codka diidmada qayaxan ay guuldaraysteen inay dublamaasiyad cadaadis ah ku muquuniyaan jasiirada yare e Taiwan ee ka goosatay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha siyaasada guddaha Soomaaliya ee xilligan, khilaafka dawladda Federaalka ee Soomaaliya, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya halka ay ku danbeeyeen iyo arrimo kale.

“Siyaasada dal leeyahay ee arrimaha Dibedda waxay ka bilaabantaa siyaasada arrimaha gudaha, waxayna siyaasada arrimaha gudaha ee dal leeyahay ku dhammaataa xuduudihiisa” ayuu yidhi, Xasan Sh. Maxamuud oo ka jawaabayay su’aalo la xidhiidha arrimahaa oo lagu weydiiyay barnaamij uu ka qayb-galay oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in siyaasada arrimaha guduhu aannay ka bixin xuduudaha dalka, halkaas oo ay ka bilaabanto siyaasada arrimaha dibedda, sidaa awgeed wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ahayd inay dunida ka iibiso siyaasada arrimaha gudaha oo lagu iibgeeyo siyaasada arrimaha dibedda, taas oo ka turjumaysa in dadka Soomaalidu nabad ku wada noolaadaan, isla markaana deriskooda iyo caalamka nabad kula noolaadaan, isla markaana ay Soomaaliya tahay meel amaan ah.

“Somaliland dublamaasiyad la yidhaado ha lagu gacan-marroojiyo ma keenayso, kumana imannayso ee way sii fogaynaysaa, taas waxa diidaya waaqaca siyaasada aduunka ee jirta, haddii xoog wax lagu midaynayo China iyo Taiwan ayaa lagu midayn lahaa” ayuu yidhi, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay halka ay ku danbeeyeen wada hadaladii uu doorka ku lahaa xilligii uu Madaxweynaha ahaa ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo xilligan ka mid ah gollaha murrashaxiinta ee mucaaradka xukuumadda Madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay in dawladda China oo ka mid ah kuwa leh codka diidmada qayaxan, isla markaana ugu awoodda iyo dhaqaalaha baddan aduunka ay si walba isugu dayday inay jasiirada yare e Taiwan ku muquuniso, taas oo uu sheegay inay suurta gal noqon weyday, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo in ay fahmaan waaqaca siyaasada aduunka iyo dublamaasiyada oo ay oggaadaan in aannay Somaliland cadaadis dublamaasiyadeed ku imanayn ee ay kusii fogaanay.

“Somaliland, xal siyaasadeed oo caqli iyo waaqac ku salaysan oo Soomaaliyeed innagay innaga rabtaa, hadba inta aynu judi iyo dedaal gelinayo ayay innoo jirtaa Somaliland ee maaha meelaha laga raadinayo, waana mid ka dhaxaysa qadiyada Somaliland, Soomaaliya iyo Somaliland.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrinta khilaafka xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Kenya, wuxuu sheegay in markii uu Madaxweynaha ahaa ay Kenya ku joogtay sharci dalka oo ay ciidamadeedu ku sugnaayeen dalka, balse waxa uu sheegay in aannu ogayn meel ay wax iskaga bedeleen joogitaanka sharciga ahaa ee ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Source:  Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post