X
    Categories: Warar

Somaliland: Cabduqaadir Jirde Oo Sheegay In Kulamadii Saddexda Xisbi Ka Burbureen Dhinaca Madaxweynaha Iyo Doodii Dhexmartay Faysal Iyo Muuse

Cabduqaadir Jirde

Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in kulamadii ay la lahaayeen maalmihii u danbeeyay labada xisbi ee KULMIYE Iyo UCID, aan wax natiijo ah laga gaadhin arrimihii lagaga hadlayay ee doorashada.

Cabdiqaadir Jirde oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Xafiiska WADDANI, ee magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in saddexda Xisbi 64 kulan ka yeesheen arrimaha lagu muransanyahay, balse waxa uu sheegay in dhawaaqii xaflada xuska 26 Jun oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ummada u sheegay in Xisbiyada uu la kulamyo oo war lagu farxo uu soo bixi doono.

“Madaxweynuhu waakii sheegay in war lagu farxo ummada loo sheegi doono, balse Madaxweynihii markaanu la kulanay, waxa aad ula hadlay Guddoomiyaha UCID, Eng, Faysal oo si cad ugu sheegay Madaxweynaha in looga baahanyahay tanaasul, wuxuuna noo sheegay in aanu dhaafi karin mawqifka Xisbigiisa, waxaanu kala nimi hungo, markii Madaxweynuhu dood dheer kadib noo sheegay in aanu iska kala tagno” ayuu Yidhi, Jirde.

“Madaxweynaha marna xafiiskiisa ayaanu ugu tagnay marna Gurigiisa, Faysal Cali Waraabe, wuxuu Madaxweynaha usoo  gaadhay Aabahay madaxa kamaan dhunkan ee adiga madaxaan kaa dhunakanayaa ee na aqbal oo maanta tanaasul samay sidii Madaxeyne Rayaale, adigoo eegaya duruufaha iyo dhibaatooyinka maanta taagan, balse Madaxweynuhu muu aqbalin, balse Faysal kamaanu filayn markaanu shirkaa kasoo baxnay inuu eeda noo qaybiyo labadayada Xisbi, waanu ku amaanaynaa mawqifkii uu nagu taageeray” ayuu yidhi, Cabduqaadir Jirde.

Waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha aan looga fadhiyin inuu istaago halka Xisbigiisu istaago, sababtoo ah, ayuu yidhi, “ isagaa sadexdaba Madaxweyne u ah,” sidoo kale, wuxuu sheegay in xiligan uu Baarlamaanka horyaal wax-ka bedel xeer soo jeedin xisbigiisu soo sameeyay oo ahaa in 9 xubnood laga dhigo Komishan ka, waxaase laga dhigay oo lagu bedelay markii guurtidu kordhnaysay, markaanu maanu garan noomana dhadhamin,  mana aanu qaadan, waxaanu ahayn ergo , waxaan arrimaasi aanu cadaynayaa in aannay xagayaga iyo xagga UCID midna ka burburin ee xagga Madaxweynaha ayay ka burbureen wada hadaladii, waxay ahayd inuu raggiisa yidhaahdo, “Halkaa fadhiista, annaa go’aaminayee, mana ay dhicin, waana ayaan daro, wixii tallaabooyin ah ee aanu qaadaynano xisbigu talo midaysan ayuu ka yeelanayaa” ayuu yidhi, Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post