X
    Categories: Warar

Somaliland: Buuhoodle Oo La Diwaangelinayo Shaqaalaha Dawladda Ee Hawlgalka Madax-taabashadda

Araweelo News Network

Buuhoodle(ANN)-Hawlgalka tirakoobka Shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa markii u horaysay 27-ka sanno oo Somaliland jirtay laga hirgeliyey Deegaanka Buuhoodle.

Hawlgalkii madax-taabashadda iyo tirinta ee hay’adda shaqaalaha dawaladdu labadii bilood ee u dambeeyey ka waday goboladda dalka, ayaa gaadhay magaaladda Buuhoodle iyada oo diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee halkaa ku sugan tiraddooda lagu sugayo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo  tafaasiil ka bixiyey hawlgalka madax-taabashadda iyo tirinta ee lagu diwaangelinayo shaqaalaha dawladda ee Somaliland inay ka bilaabeen hay’adda uu madaxda ka yahay deegaanka Buuhoodle, ayaa ka hadlay sida hawshu u socoto.

Guddoomiye Sharmarke Geelle, ayaa yidhi, “Buuhoodle waxa soo gaadhay Baadi-doonkii baahida iyo baylahda shaqaalaha dawladda, Waxaa galabta soo gaadhay degmada Buuhoodle xog-doonkii xawaaraha ku socday ee u socday xaal iyo xog-ogaanshaha shaqaalaha dawladda,  iyaga oo kasoo kicitimay degmada Qorulugud.” ayuu yidhi.

Wuxuuna tilmaamay in hawlwadeenada gaadhay Buuhoodle ay markiiba bilaabeen diiwaangelinta shaqaalaha dawladda, waana hawsha Hay’addu wado ee xuduud walba lagu gaadhayo,  waxa ay ahayd xaalka hawl-wadeenadu mudooyinkii u dambeeyey hawsha ku wadeen, waxaana dhammaad ku dhaw hawshii soo taxnayd.” ayuu yidhi.

wuxuu sheegay in Shaqaalaha dawladdu ay uga waramayaan war ay u haraad qabeen in laga ogaado oo ay isku diiwangeliyaan si hilow iyo habsan la’aan leh, wuxuuna xusay qalbi wanaag, soo dhawayn iyo bushaaro ay hay’adda shaqaaluhu Buuhoodle ku dhex joogaan.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post