X
    Categories: Warar

Somaliland: Boqolaal Kun Oo U Dareeraya Goobaha Codbixinta Doorashada Madaxtooyadda

Somaliland citizens head to the polls to last Presidantial election November 13, 2017.photo file Araweelo News Network, by Arraale M jaama

Araweelo News Network

 muuqaal dad ku jira safafka codbixinta

Hargeysa(ANN)-Boqolaal kun oo muwaadiniinta isu diiwaan geliyay doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u dareeraya goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan wax ka yar saddex saacadood iyo badh xiliga bariga Afrika, ayaa ka hadhay in la furo goobaha.

Komishanka Doorashooyinka, ayaa sheegay goor sii horraysay in dhammaan qalabkii iyo sanaaduuqdii ay gaadheen in ka baddan 1600 goob doorasho oo dalka oo dhan ah oo lagu daabulay agabkii doorashadda, iyadoo hawlwadeenada Komishanka iyo muraaqibiinta axsaabtu u kala baxeen goobaha ay ku qornaayeen iyo gobolada dalka oo dhan.

Murrashaxiinta ku tartamaya doorashadda ee saddexda Xisbi KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa horre usoo gebagebeeyay Ololaha doorashadda ee soo socday todobaadyadii u danbeeyay, waxaana hada kaabiga saaran xumada doorashada markii ay xamaasadii kaanbaynku soo dhammaatay.

Doorashadan ay ku tartamayaan saddexda murrashax ee kala ah Muuse Biixi Cabdi KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Ciro) WADDANI iyo Eng. Faysal Cali Waarabe UCID, waa doorashadii saddexaad ee madaxtooyadda oo Somaliland ka qabsoontay tan iyo markii ay qaadatay nidaamka geedi socodka dumquraadiyada iyo xisbiyada badan 2002.

Dadka codkooda bixinaya, ayaa kala dooranaya saddexdaa murrashax, iyadoo doorashada xiligan ee Somaliland ka xamaasad duwanayd labadii doorasho ee hore 2003 iyo 2010, taas oo sababtay in dardaaran is daba joog ah loo jeediyo murrashaxiinta iyo bulshada kaleba.

Xamaasada iyo xiisaha doorashada, ayaa sababay in ay soo jiidato Somaliland indhaha caalamka, iyadoo xiligan ay doorashada u yimaadeen boqolaal goob joogayaal caalami ah iyo weriyayaal ka socda warbaahinta caalamka oo ay soo jiiteen warbixino laga qoray nidaamka dumuqraadiyada Somaliland iyo doorashooyinka xorta ah ee aan Afrika looga baran.

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post