X
    Categories: Warar

Somaliland: Booliska Xabsiga U Taxaabay Weriye

Hargeysa(ANN)Agaasimihii Hore ee Bulsho Tv Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed oo kamida Suxufiyiinta Somaliland, ayaa goor dhawayd Ciidamada Booliska ee Madaarka Hargeysa Xabsiga U Taxaabeen iyagoo isla markaana u geystay jidh dil iyo hadidaad baahsana ugeystay .

Weriyaha Xabsiga loo taxaabay oo hada ka hawl-gala Idaacada Radio Hormuud ee dalka Denmark ayaa goor isaga oo ku guda jira Hawl-maalmeedkiisa shaqo waxa dhawayd xidhay Ciidanka Booliska ee Madaarka Caasimada Hargeysa iyagoo isla markaasina aan ku hayn faldanbiyeed sharciya oo uu sameeyey.

Hadaba Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed Oo intii aan lagu xarayn qolka lagu xidhay khadka teleefanka kula soo xidhiidhay Wariye Miyir Cali Xuseen ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahayd “ Waxa hada si sharci daro ah ii qabsaday Ciidanka Booliska ee Saldhiga Madaarka Caasimada Hargeysa waxa ay iisii wadaan dhanka iyo qolka ay igu xidhayaan ,waxa ay ii geysteen jidh dil iyo hadidaad, iyagoo isla markaana qalabkii aan sitay burburiyey ma jirto wax sababa oo ay ii sheegeen inay igu haystaan”

Xukuumadda talada haysa ayaa sidan oo kale marar baddan xabsiga u taxaabtay weriyayaal ku guda jira hawlohooda shaqo, kuwaas oo loo xidho qaab ka baxsan hanaanka iyo sharciga u yaal dalka.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post