X
    Categories: Warar

Somaliland: Barnaamijka Waxbarashada Ee Coursera Oo La Kordhiyay Ka Faa’idayso Fursadan

Abdirashid Ibrahim, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska Somaliland, Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Kordhinta Mudada Diiwaan Gelinta Barnaamijka Coursera 

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, ayaa shaacisay in la kordhiyay mudada ka mid noqoshada Barnaamijka Coursera.

Barnaamijka Coursera ee waxabarashadda Onile-ka ah oo lacag la’aan ah, waxa iska diiwaangeliyay 50, 000 oo ah dhalinyarada Somaliland, sidaa awgeed codsi ay samaysay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland oo ku dalbatay in loo kordhiyo tirada, isla markaana mudada is diiwaangelinta lagu daray ilaa 31  October 2020.

Sidaana waxa ku xaqiijiyay Fariin uu la wadaagayo dhalinyarada Somaliland Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Abdirashid Ibrahim, Agaasimaha Guud, wuxuuna nuqul ka mid ah Fariintaa oo soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network, ku yidhi, sidan:-

“Waxa farxad ah in wakhtiga ugu dambeeyay ee dhalinyarada cusub ay ku soo biirayeen barnaamijka Coursera in la innoo ogolaaday in ay noqoto 31 October 2020. Waxa iyana farxad ah in 50,000 dhalinyar ah ay barnaamijkii si rasmi ah uga mid noqdeen, taasi oo suuro galisay in tirada Ardayda barnaamijkan ka faa’iidaysan karta la innoo kordhiyay.”

 

Sidaasi darteed, akhyaarta ku xidhan barnaamijka ha la wadaageen dhalinyarada kale ee asxaabtooda ah si ay iyaguna fursadahan uga faaiidaystaan, ayuu yidhi, Agaasime Cabdirashiid.

Linkigan hoose la wadaag asxaabta si ay ugu biiraan: https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSdPCIBjmQjPnHcG6vJmcAhP-bX6_CJ3JrKdaEtToR86N8HTTg/viewform

Linkigan la wadaag si ay si habsami leh ugu biiraan kaddib markay fariinta helaan: https://www.youtube.com/watch?v=ZBxlr93tyHA&t=21s

Mahad & Tixgelin,

Abdirashid Ibrahim, Agaasimaha Guud,

Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post