X
    Categories: Warar

Somaliland: Baaq Salaadiin Iyo Waxgarad  Direen Oo Ku Waajahan Bulshada Djibouti

Hargeysa(ANN)-Madax-dhaqameed ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa ka hadlay xisiada ka taagan dalka Djibouti, waxayna baaq u direen shacabka iyo dawladda Djibouti oo ay ku buuriyeen in ay nabad-gelyada iyo degenaanshaha dalkooda ilaaliyaan,

Salaadinta, ayaa walaac ka muujiyeen dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha dalkaa oo sababay rabshado.

Xubnaha Salaadiinta oo ka soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa ku adkeeyay bulshada reer Djibouti inay ilaalshadaan nabad-gelyada iyo midnimada dalkooda, isla markaana aannay samayn waxyaabo bur-burinaya nabadgelyada iyo xasliloonida dalka.

 

“Walaaayaal arrinta dhulka dhiga oo halkaa yaanay dhaafin, meeshani waa Afrika hadday sinbiririxato ma soo kacdo”ayuu yidhi Suldaan Axmed Maxamed Colhaye oo kamida Salaadiinta Somaliland ee ka hadlay arrintaa.

Baaqa Salaadiinta ayaa qayb ka ah kuwo kale oo ay dirayaan inta badan waxgaradka Somaliland oo ka walaacsan dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Djibouti, kuwaas oo ka dhashay muuqaalo lagu baahiyay Baraha Bulshada oo muujinayay xadhiga Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ahaa Sarkaal Millateriga dalkaa ka tirsanaa .

Halkan Ka Daawo

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post